Man United Oo Ciyaartooyo Xaraashaysa, Chelsea Oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Liverpool, Dhaliyaha Kusii Jeeda Old Trafford Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips ayaa ka degi doona West Ham United oo qarka u saaran inay heshiis la gaadho Man City oo ay amaah kaga qaadanayso 28 jirkan. (Mail)

Weeraryahanka Ajax iyo Netherlands ee Brian Brobbey oo 21 jir ah, ayaa haysta fursad uu ugu biiro Manchester United, si uu ula shaqeeyo Erik ten Hag oo ay mar kale u midoobaan. (Football Insider)

Manchester United waxay iska diidday dalab uga yimid Inter Milan oo ahaa inay is-weydaarsadaan labada difaac ee Aaron Wan-Bissaka oo 26 jir ah iyo Denzel Dumfries oo 27 jir ah. (Sun)

Chelsea ayaa dhirbaaxo ku dhufatay Liverpool, waxaanay u sheegtay in aanay marnaba ka iibinayn difaaca reer England ee Levi Colwill oo ah 20 jir uu doonayo Jurgen Klopp. (Teamtalk)

The Blues waxa ay iskaga hadhaysaa raacdadeedii weeraryahanka Sweden iyo kooxda Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres oo qiimihiisa lagu sheegay £86 milyan oo Gini. (Football Insider)

Newcastle United waxay ka dalbatay Bayern Munich inay bixiso £12 milyan oo Gini, si ay ula saxeexato difaaca reer England ee Kieran Trippier oo 33 jir ah, kaas oo isaguna doonaya inuu u guuro waddanka Jarmalka. (Sky Germany)

Waxay Newcastle isku dayaysaa inay ka dhaadhiciso khadka dhexe reer Paraguay ee Miguel Almiron oo 29 jir ah inuu ku biiro kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Shababaab bishan January. (Guardian)

Chelsea iyo Manchester United ayaa loo sheegay in Nice aanay dheg u dhigi doonin dalabyadooda difaaca reer France ee Jean-Clair Todibo oo 24 jir ah, bishan Janaury. (90 min)

Weeratryahanka Chelsea ee Armando Broja oo 22 jir ah, waxa lala xidhiidhinayaa West Ham United, laakiin Blues ayaa dalbanaysa lacag albaabka ka celinaysa Hammers oo ah £50 milyan oo Gini. (Football Insider)

Lyon ayaa isku dayaysa inay dib usoo ceshato weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo 15 sannadood ka hor ay ka iibiyaan Real Madrid, laakiin lixdii bilood ee ugu dambeeyey joogay Al-Ittihad oo ay isku dhacsan yihiin. Dhibaatada haysata Lyon ayaase ah in mushaharka laacibkani uu aad u badan yahay. (Guardian)

Manchester United waxa ay is-fahmi la’yihiin Granada oo amaah kaga doonayso garabka weerarka Uruguay ee Facundo Pellistri oo 22 jir ah, waxaana hadda laacibkan uu u dhow yahay PSV Eindhoven. (Mail)

AC Milan waxay doonaysaa difaaca England ee Tosin Adarabioyo oo ah 26 jir u dheela Fulham, kaas oo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Sky Sports Italia)

1 Comment

  1. Asc waxan rajeynaya inad cfmd qabto alx anah sido kle midane waxaan ahay Fecebook pager ka hadla arimaha sports ka .
    mudaNe Xogtaan ama information walbk aad soo galiso ma qaadan karaa oo cod ahaan ma duuban karaa adigoo mahadsan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*