RASMI: Masar Oo Shaacisay Tirada Kulamada Uu Mohamed Salah Ku Seegayo Dhaawaca


Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Masar iyo Liverpool ee Mohamed Salah ayaa in muddo ah ka maqnaan doona garoomada, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii uu xulka qarankiisa Masar barbarraha 2-2 ah la galay Ghana.

Salah ayaa ka baxay qaybta hore ee ciyaarta markii uu xanuun ka dareemay muruqa dambe ee bowdada, waxaana caawiyey dhakhaatiirta ka hor intii aan beddelkiisa la samaynin.

Jurgen Klopp ayaa hore u xaqiijiyey inuu ka naxay dhaawaca Salah, waxaase uu xusay inuu ka war sugayo natiijada baadhitaannada ay ku samaynayaan dhakhaatiirta Masar.

War-saxaafadeed maanta uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Masar ayaa lagu sheegay in kabtankooda Mohamed Salah uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa, sida ay muujiyeen sawirrada iyo baadhitaannadii lagu sameeyey, isla markaana uu ka maqnaan doono labada ciyaarood ee soo socda ee tartanka qaramada Afrika ee Cape Verde iyo haddii ay soo gudbaan ciyaarta wareegga 16ka.

Masar ayaa haddii ay usoo gudubto wareegga 16ka, waxa ay ciyaari doontaa inta u dhaxaysa January 27 illaa 29, laakiin wararka qaarkood ayaa sheegaya in Salah uu kaliya taam u noqon karo wareegga siddeedda haddii uu dalkiisu usoo gudbo, iyadoo kulamada wareeggaasna loo calaamadiyey February 2 ama February 3.

Si kastaba ha ahaatee, Masar oo laba dhibcood oo kaliya ka heshay labadii kulan ee ay ciyaartay ayaa halis ugu jirta inay ka hadho tartanka, waxaana haddii ay sidaasi dhcdo ay farxad u tahay Liverpool oo Mohamed Salah heli doonta kulanka Chelsea ee January 31 iyadoo February 4 ay la ballansan yihiin Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*