DEG-DEG: Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Dalab Laga Soo Gudbiyey Xiddig Lama-taabtaan U Ah Mikel Arteta


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka jawaabtay dalab amaah ahaa oo ay kooxda horyaalka Premier League ee ay isku magaalada London ka dhisan yihiin ee West Ham United ay kasoo gudbisay xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Emile Smith Rowe.

West Ham ayaa usoo bandhigtay Arsenal dalab ahaa in illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan amaah lagu siiyo kubbad-sameeyaha reer England ee da’yarta ah, laakiin tababare Mikel Arteta oo ay kooxdiisu daalaa-dhacaysay usbuucyadii ugu dambeeyey ayaa albaabada bixitaanka ka xidhay laacibkan.

Emile Smith-Rowe ayaa uu Mikel Arteta ku tilmaamay ciyaartoy muhiim u ah kooxdiisa oo aanay jirin sabab ay waqtigan amaah ugu diraan, iyadoo sidoo kalena ay Gunners hoos uga dhaceen cadaadis ka haystay dhinaca sharciga dhaqaalaha.

Kubbad-sameeyahan oo inta badan kursiga kaydka ku jira, isla markaana dhaawacyo ragaadiyeen xilli-ciyaareedyadii u dambeeyey, ayaa waxa uu isaguna ku faraxsan yahay inuu sii joogo Emirates Stadium oo uu kooxdiisa ka caawiyo in ay u dagaallanto figta sare ee horyaalka Premier League ee ay hadda hoos uga soo dhacday.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay isku dhibco yihiin Tottenham oo shanaad ku jirta balse kaga dambaysa farqiga goolasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*