DEG-DEG: Real Madrid Oo Dhamaystirtay Saxeexii Koowaad Ee Bisha January – Booskee Ayuu Ka Ciyaaraa?


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxeexii koowaad ee ay samayso suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, kaas oo hadda ay shaacinta oo kali ahi ka hadhsan tahay heshiiskiisa oo ay dhinacyada oo dhan isla dhamaystireen.

Real Madrid oo sannadihii u dambeeyey beddeshay falsafaddeeda suuqa oo soo urursanaysay ciyaartooyo da’yar ah oo ay u carbinayso mustaqbalka, sida ay sameeyeen Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Arda Guler, Fede Valverde, Eduardo Camavinga iyo da’yarka soo socda ee Endrick ayaa waxa ay maanta gacanta ku dhigtay dheeman kale oo muddo kooban lagu carbin doono kulliyadda Castilla ka hor inta aan kooxda koowaad loosoo dallacsiinin.

Jeremy de Leon oo ah 19 jir u dhashay waddanka Puerto Rico oo ka ciyaara garabka werarka ayay Real Madrid ka shaqaynaysay saxeexiisa maalmihii ugu dambeeyey, waxaanay ku garaacday kooxaha reer Spain ee Valencia iyo Villarreal oo kula tartamayay, waxaana uu Real Madrid u saxeexayaa heshiis soconaya illaa sannadka 2026.

Jeremy oo March 2024 ku dhashay magaalada San Juan ee waddanka Puerto Rico, ayaa waxa uu dhowaan u dabbaal-degi doonaa xuska sannad-guuradiisa 20 jirka, waxaanay hadda isaga iyo qoyskiisuba ku nool yihiin Spain oo ay tahriib ku yimaaddeen.

Kooxda Castellon ee heerarka hoose ee Spain ayuu hadda u ciyaaraa Jeremy,  balse waxa uu usoo wareegi doonaa Real Madrid oo uu si toos ah ugu biirayo kooxda da’yarta ee uu gacanta ku hayo Raul Gonzalez ee Real Madrid Castilla, halkaas ayaana muddo kooban lagu carbin doonaa ka hor inta aan loosoo dallacsiinin kooxda koowaad.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*