Arsenal Way Ku Khasaaraysaa Gabriel Jesus- Sababtu Maxay Tahay?


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay in ay dhibaatoon doonto xilli-ciyaareedkan, waxaana uu Mikel Arteta qoomamayn doonaa go’aankii uu xagaagii kooxdiisa kaga diray Folarin Balogun oo u wareegay Monaco, sida uu rumaysan yahay khabiirka ciyaaraha ee Ian Ladyman.

Jesus ayaa Arsenal ugu soo bilowday ciyaartii North London derby ee Axaddii, waxaana ay heleen fursado ay qaybtii horeba ciyaarta kaga dhigi karayeen 2-0, hase yeeshee waxay ogolaadeen in 2-2 ay dhibcaha ku qaybsadaan.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa waxa uu kubbad ka boobay James Maddison oo ku jiray xerada ganaaxa, laakiin waxa uu awoodi waayey in uu dhamaystiro kubadda isaga oo dallacay kubadda.

Ian Ladyman oo ah tifaftiraha wargeyska Daily Mail ee qayta ciyaaraha, ayaa waxa uu sheegay in Jesus aanu ahayn weeraryahan dhamaystiran oo kooxdiisa la tartansiin karaya Man City, waxaanu yidhi: “Jesus ma aha weeraryahan sare. Anigu ma lihi kuma habboona in uu xidho shaadhka Arsenal, macquulna aha taasi, laakiin waxa aan sheegayaa in aanu hubaashii ahayn weeraryahan sare. Anigu waxa aan la yaabbanahay, marka ay ujeeddadeedu tahay in ay la tartamaan Man City, in ayna wali haysanin weeraryahan sare.”

Khabiirka BBC Spots ee Chris Sutton ayaa isaguna usbuucan horraantiisii ku tilmaamay Jesus in uu yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan bookiisa, laakiin Ian Ladyman oo u jawaabay ayaa yidhi: “Jesus waxa laga soo iibsaday Manchester City oo u arkaysay beddelka mustaqbalka fog ee Sergio Aguero, wuuse shaqayn waayay qorshahaasi.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*