Kylian Mbappe Waxa Uu Noqonayaa Ciyaartoy Real Madrid Ah-Madax Waynaha La Liga


Madaxweynaha horyaalka LaLiga ee Javier Tebas ayaa ka farxiyey taageereyaasha Real Madrid, waxaana uu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in xiddiga reer France ee Kylian Mbappe uu ka tegi doono Paris Saint-Germain oo uu ku biirayo Real Madrid xilli-ciyaareedka dambe.

Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyaha dhamaadak xilli-ciyaareedkan, ayaa diiddan inuu heshiis cusub saxeexo, iyadoo xagaagiina ay isku xumaadeen kooxda oo laga saaray liiska ciyaartoydii safarka ku tagtay bariga fog ee adduunyada.

Real Madrid ayaa rajaynaysa in Mbappe uu si xor ah ugu soo wareegi doono, kaddib markii ay laba suuq oo isku xiga ku guul-darraysteen in ay lasoo wareegaan.

Javier Tebas oo waraysi siiyey warbaahinta waddanka Spain, ayaa la weydiiyey haddii uu Kylian Mbappe imanayo Real Madrid, waxaanu ku jawaabay: “Waan ku kalsoonahay, waana hubaal. Waxay ila tahay in 70% ama 80% uu ka ciyaari doono horyaalka LaLiga.”

Hadalkan kasoo yeedhay Javier Tebas oo abuuraya dabbaal-deg iyo farxad ay jamaahiirta Real Madrid sii bilaabi doonaan iyaga oo rumaysan in ugu dambayn ay helayaan xiddigii ay ku taamayeen ee Kylian Mbappe, ayaa waxa Tebas oo hadalkiisa sii wata uu yidhi: “Florentino waligii ma aanu guul-darraysanin, waxa uu u dhaqaaqo kuma guul-darraysto.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*