Real Madrid Oo Shaqada Ka Caydhinaysa Carlo Ancelotti Kaddib Guul-darradii Atletico Madrid


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa raadinaysa tababare cusub oo ay ku beddesho Carlo Ancelotti oo ay shaqadiisu mugi gashay kaddib guul=darradii qadhaadhayd ee kasoo gaadhayd ee kasoo gaadhay ciyaartii Atletico Madrid ee Axaddii.

Kaddib lix guulood oo xidhiidh ahaa oo ay kasoo ooyeen lixdii kulan ee ay ciyaareen, Los Blancos ayaa guul-darraysatay kulankii guu dambeeyey, waxaana durba uu culays ku bilowday Carlo Ancelotti.

Sida ay sheegtay idaacadda Radio Marca, bandhiggii xumaa ee ciyaartii Atletico Madrid iyo in uu safkiisa hore kusoo bilaabay Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa maamulka kooxdu ay ka cadhoodeen, sababtoo ah waxa ay doonayeen in fursadda iyo murnaantaba ay helaan ciyaartoyda mustaqbalka maadaama ay labadan ruug-caddaa ka tegayaan xagaaga.

Wariyahaha ciyaaraha ee Matias Prats ayaa sheegay in Florentino Perez uu doonayo in kooxda uu ku aamino Xabi Alonso oo hadda ah tababaraha Bayer Leverkusen oo hore khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxdiisa.

Matias Prats oo la hadlayay Radio Marca ayaa yidhi: “Waqtigan, dookha tababaraha xilli-ciyaareedka dambe waa Xabi Alonso.”

Waxa kale oo ay Real Madrid indhaha ku haysaa Raul Gonzalez oo ah tababaraha kooxdeeda da’yarta, waxaana cadaadiskan waqtiga hore ah keenay in uu Carlo Ancelotti heshiis la gaadhay xidhiidhka kubadda cagta Brazil oo uu tababare u noqonayo sannadka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*