DEG-DEG: Man City Oo Dhamaystirtay Saxeexa Xiddigii Ay Manchester United Kasoo Afduubatay Arsenal


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa heshiis la gaadhay dheeman kasoo baxay kulliyadda da’yarta Manchester United oo ay ka afduubatay Carringhton, isla markaana ay saxeexiisa ku garaacday kooxo kale oo raadinayay da’yarkan.

Manchester City ayaa saxaafadda usoo bandhigtay difaaca dhexe ee hibada badan ee ay Manchester United u carbisanaysay mustaqbalka ee Harrison Parker oo go’aansaday in uu iskaga tago Old Trafford.

Harrison Parker oo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa tan iyo bishii July ay Manchester City dedaal badan ugu jirtay sidii ay heshiis ugala gaadhi lahayd Manchester United oo ugu dambayntii ogolaatay inay iibiso, maadaama uu dhamaad yahay qandaraaskiisu.

Manchester City ma ahayn kooxda kaliya ee doonaysay inay la saxeexato Parker, waxaase doonayay afar kooxood oo kale oo reer Yurub ah.

Parker ayaa waxay Manchester United kala soo wareegtay Arsenal sannadkii 2021, waxaana uu waqtigaas saxeexay heshiis saddex sannadood ah oo ay kaliya ka hadhsan yihiin sagaal bilood, taas oo keenta in Man United ay ogolaato inay ka iibiso Man City.

Manchester City ayaa noqonaysa kooxdiisii saddexaad ee weyn ee Premier League ah ee uu u ciyaaro, maadaama uu hore uga soo muuqday kulliyadaha kooxaha Arsenal iyo Manchester United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*