DEG-DEG: Alphonso Davies Oo Xaqiijiyey Xiisaha Real Madrid Iyo Kooxo Premier League Ah


Xiddiga reer Canada iyo kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa si dhab ah uu wakiilkiisu u shaaciyey in ay xaqiiqo tahay, in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay doonayso in ay la saxeexato difaacan bidix, sidoo kalena ay jiraan naadiyo kale oo horyaalka Premier League.

Alphonso Davies oo la sheegay in Real Madrid ay doonayso inay la saxeexato xagaaga sannadka 2024, isla markaana uu safka hore kaga jiro qorshaha Florentino Perez oo kaliya doonaya inuu naadigiisa ku xoojiyo Kylian Mbappe iyo Alphonso Davies, ayaa waxa goordhoweyd hadlay wakiilkiisa.

Huoseh oo ah wakiilka Alphonso Davies oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Waxa jiro xiise ka imanaya kooxo badan. Waxa aan hubaa in Real Madrid ay ka mid tahay kooxaha doonaya inay la saxeexdaan Alphonso.

“Waxa sidoo kale jira kooxo Premier League ah oo dhamaantood doonaya inay helaan Alphonso oo ka mid ah difaacyahannada bidix ee ugu wanaagsan adduunyada. Markaa, waynu arki doonaa waxa dhaca.”

Wakiilka Alphonso Davies waxa uu diiday inuu xaqiijiyo in laacibkani uu sii joogayo Bayern Munich marka la gaadho dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana uu kaliya ku adkaystay in la arki doono sida wax u dhacayaan, taas oo dabka kusii shidaysa wararka sheegaya in uu laacibkani ka bixi doono Allianz Arena.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*