Tababare Iska Dhigayey Jose Mourinho Oo Kale Oo Shaqada Laga Caydhiyey


Kooxda kubadda cagta Rangers ayaa usbuucan shaqada ka eriday tababaraheedii Michael Beale kaddib guul-darrooyin uu xilli-ciyaareedka ku bilowday iyo in uu u dhaqmay sidii Jose Mourinho oo kale oo uu isku dayay inuu hadal-hayn badan abuuro isaga oo adeegsanaya saxaafadda.

Sabtidii ayay Aberdeen 3-1 ku garaacday Rangers oo ay ku booqatay Ibrox Stadium, waxaanay taasi keentay in kooxdaasi ay Axaddii shaqada ka caydhiso Michael Beale.

Intii uu xilka tababarenimada hayay, Beale ayaa eedaymo u jeediyey ciyaartooyo hore, taageereyaasha iyo shaqsiyaad kale, taas oo abuurtay in uu hadal-hayn u noqdo saxaafadda.

Khabiirka ciyaaraha Chris Sutton ayaa maqaal uu ka qoray caydhinta Beale waxa uu ku sheegay mid ku habboonayd, sababtoo ah hab-dhaqankiisa oo uu ku sheegay mid aan habboonayn iyo inuu isku dayay inuu iska dhigo Jose Mouriho oo kale.

Chris Sutton oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Waxa uu u maleeyey in uu yahay Jose Mourinho oo kael, wuu u qalmaa wax kasta oo lagu sameeyey (in shaqada laga caydhiyo).”

Beale ayaa ka hor intii aan shaqada laga caydhin waxa uu Chris Sutton ku tilmaamay ‘saxeexii ugu xumaa ee ay Chelsea samayso’, isaga oo u duur-xulayay sannadihii 1990-meeyadii oo uu Sutton u dheeli jiray Chelsea, waxaana hadalka hadda ee khabiirka BBC Sports uu u muuqanayaa in uu markiisa ka aargoosanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*