Liverpool Heshay Codkii Laga Qabtay Garsooraha Dhexe Iyo Garsooraha VAR Markii Ay Diidayeen Goolkii Saxda Ahaa


LIVERPOOL ayaa ugu danbeyn heshay codkii laga duubay wada sheekeysigii dhex maray garsoore Simon Hooper iyo garsooraha VAR Darren England kadib goolkii sida qaldan loogu diiday ee kulankii Spurs.

Laakiin taageerayaasha ayaa laga yaabaa inay sugaan ilaa usbuuca soo socda si ay u maqlaan waxa dhabta ah ee ka dhacay Waqooyiga London.

Madaxa xiriirka garsoorayaasha PGMOL Howard Webb ayaa la fahansan yahay in uu ilaa axadii ku dadaalayay in la sii daayo codka, isaga oo ogaa in haddii aan taas la sameynin inay sii hurineyso shakiga laga qabo garsoorayaasha Premier League.

Laakiin Webb iyo PGMOL waxay aqbaleen inay sugaan baaritaanka Premier League ee ku saabsan sababtii loo diiday goolkii saxda ahaa ee Luis Diaz waana sababta aysan taageerayaasha u maqli doonin codka ilaa iyo dhamaadka isbuucaan ama todobaadka soo socda.

Liverpool waxaa haatan lagu wareejiyay natiijada baaritaanka, cajalada dhacdada iyo weliba codka wada sheekeysiga ee dhexmaray garsooraha dhexe iyo garsooraha VAR.

PGMOL waxa ay doonaysaa in ay codkaas iyo muuqaalkaba u soo bandhigto shacabka sida ugu dhakhsiyaha badan laaakiin waxay sugayaan in Liverpool ay marka hore qiimeyso codka iyo natiijada baaritaanka islamarkaana ay fursad u siiyaan inay ka jawaabaan haddii loo baahdo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*