Difaac Muhiim Ah Oo Chelsea Ka Maqnaanaya Muddo Labo Bilood Ah


Chelsea ayaa ugu yaraan siddeed usbuuc uu ka maqnaan doonaa Ben Chilwell iyadoo daafaca dambeedka uu wajahayo waddo dheer oo uu kaga soo kabsan karo dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray kulankii Brighton bishii hore.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa dhaawac ka soo gaaray muruqa intii ay socotay kulankii ay Chelsea guusha ka gaartay Brighton ee Carabao Cup iyadoo Mauricio Pochettino uu qirtay in dhaawaciisa uusan u muuqan mid wanaagsan.

26-sano jirkaan ayaa laga saaray shaxda Chelsea ee ciyaartii ay la ciyaareen Fulham Isniintii isagoo kursiga keydka la dhigay labadii kulan ee hore ee horyaalka. Wargayska Telegraph ayaa haatan sheegaya in Chilwell uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan laba bilood si uu uga soo kabsado dhaawacii ugu dambeeyay.

Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in Chilwell uu tartan ugu jiro inuu taam noqdo bisha December markaasoo la galayo jadwal mashquul badan.  Waa dib u dhac aad u xun oo soo gaaray Pochettino, kaasoo dhaawacyo badan wajahay tan iyo markii uu la wareegay shaqada Stamford Bridge.

Christopher Nkunku, Reece James, Romeo Lavia iyo Wesley Fofana dhamaantood waa maqnaansho muddo dheer ah. Laakiin sidoo kale waxaa jiray dhaawacyo yaryar oo ay qabeen Moises Caicedo, Mykhaylo Mudryk, Benoit Badiashile, Noni Madueke, Trevoh Chalobah iyo Carney Chukwuemeka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*