Man United Oo Qolkeeda Ka Dhex Baareysa Jaajuska Sirtooda Faafiya


Madaxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka shakisan yihiin in qof ka tirsan kooxda uu faafiyo xogta dhaawaca sirta ah. Shayaadiinta cas cas oo sidii ugu xumeyd ku bilowday xilli ciyaareedka Premier League ayaa bilaabay inay baaraan jaajuuska ku dhex jira ee faafiya sirtooda.

United ayaa u muuqata mid ka baxday tartanka loogu jiro horyaalka premier League kadib markii ay guuldaradii 4-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan kala kulantay kooxda Crystal Palace todobaadkii hore. Kooxda Gorgorka ayaa Old Trafford ku garaacday kooxda Erik ten Hag, iyadoo Joachim Andersen uu dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in United ay ku jirto kaalinta 10-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxaana ay sagaal dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Manchester City. Laakin dhibka Red Devils kuma koobna garoonka.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, United ayaa si gaar ah isha ugu haysa akoon cusub oo qarsoodi ah oo laga sameeyay Twitter kaas oo faafinaya wararka dhaawacyada ee ku saabsan ciyaartoyda kooxda koowaad. Akoonka, oo la sameeyay horraantii sanadkan, ayaa soo bandhigtay wararka dhaawaca ka hor inta aysan kooxda si rasmi ah u xaqiijinin, waxayna dhawaan warar cusub ka soo bandhigeen xaaladaha dhaawac ee Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Sergio Reguilon.

Madaxda United waxay aaminsan yihiin inuu akoonka ka danbeeyo qof ka tirsan kooxda oo heli kara macluumaadka sirta ah, waxayna bilaabeen baaritaanka sidii loo heli lahaa jaajuuska.  Waxayna madaxdu ka walaacsan yihiin in xogta la faafinayo ay dhaawici karto midnimada kooxda ayna faa’iido siin karto kooxaha la xafiiltama.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*