“Kubbad Kasta Oo Uu Tuuro Gool Ayey Noqonaysaa…” – Xiddig Barcelona Ka Tirsan Oo Farta Ku Fiiqay Jude Bellingham


Horyaalka LaLiga waxa uu xilli-ciyaareedkan ku hubaysan yahay qaar ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu hibada badan kubadda cagta, uguna wanaagsan waqtigan. Laga soo bilaabo xiddigaha Real Madrid ee Jude Bellingham iyo Eduardo Camavinga, illaa Savio-ha Girona, lagu sii daro Pedri iyo Gavi oo Barcelona ah, lagana gaadhayo Nico Willams oo Athletic Bilbao ah.

Tartanka iyo loollanka ay ku jiraan kooxaha waaweyn ayay ciyaartoydani dabka kusii shidaan, laakiin waxa noqotay dhaqan cusub oo aan hore looga aqoonin ciyaartoyda El Clasico in aanay ammaanta isku quudhin, haddase uu derbigaa jabiyey Pedri oo u badheedhay inuu ammaanta kula dul-dhaco Jude Bellingham.

Khadka dhexe ee Real Madrid ayaa laba gool ka dhaliyey ciyaartiisii koowaad ee El Clasico, sidoo kalena waxa uu hoggaaminayaa tartanka gool-dhalinta horyaalka LaLiga oo uu 13 gool ka dhaliyey.

Pedri oo waraysi bixiyey ayaa wax laga weydiiyey Jude Bellingham, waxaanu yidhi: “Jude Bellingham in badan ayuu aniga iga yaabiyay. Waxa uu ku jiraa marxalad kubad kasta oo uu laado ay goolka ku dhamaanayso.”

Si kastaba ha ahaatee, Jude Bellingham oo ay Real Madrid kaga soo iibsatay Borussia Dortmund lacag dhan €103 milyan oo Gini xagaagii tegay, ayaa muddo kooban ku saldhigay Santiago Bernabeu oo uu hoggaamiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*