Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa ka xannibaya kooxdiisa Liverpool inay la saxeexato weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Mbappe oo bishan January xor u ah inuu heshiis hordhac ah lasii gaadho kooxda uu doono, ayaa waxa si weyn loola xidhiidhinayaa Real Madrid, laakiin waxa iyaduna loollanka ku jirta Liverpool oo uu tababare Jurgen Klopp xiisaynayo inuu la saxeexdo dhaliyahan.
PSG ayaa wali dedaal ugu jirta sidii ay heshiis cusub uga saxeexi lahayd Kylian Mbappe oo sannadkii 2022 sidan oo kale dhamaadkii qandaraaskiisa ay dedaal badan u samaysay PSG isla markaana ogolaysiisay inuu dhabarka u jeediyo Real Madrid oo sugaysay in waqtigaas ay si xor ah ugu qaadato.
Isniintii ayuu soo baxay warka sheegaya, in Liverpool ay tahay koox si dhab ah ugu tartamaysa heshiiska Salah, laakiin wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa waddanka France ayaa sheegaya in Reds ay kaliya awoodi doonto inay la saxeexato Mbappe marka ay fasaxdo Mohamed Salah.
Le Parisien waxa uu intaa ku daray, in aanay Liverpool awoodi doonin inay bixiso mushaharka Mohamed Salah iyo Kylian Mbappe, isla markaana ay ku qasban tahay inay faraha kala baxdo damaceeda Mbappe inta uu Mohamed Salah joogo Anfield.
Be the first to comment