Halyeeyada kubadda cagta ee Gary Neville iyo Jamie Carragher ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu fiicnayd xilli-ciyaareedkan kala-badhka maraya, waxaanay isku khilaafeen saddex ciyaartoy halka ay iskaga mid noqdeen oo uu mid walba safkiisa kusoo darsaday siddeed ciyaartoy oo uu kan kalena soo xushay.
Sky Sports oo ay barnaamij toos ah ka samaynayeen xulashadooda, ayaa waxa Gary Neville iyo Jamie Carragher ay isku maandhaafeen in weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland uu u qalmayo inuu ka mid noqdo safka kooxda ugu wanaagsan xilli-ciyaareedkan, inkasta oo uu wali yahay ciyaartoyga hoggaaminaya gool-dhalinta Premier League.
Jamie Carragher ayaa shaxdiisa u diiday Erling Haaland, waxaana fikirkaas ku waafaqay halyeyga kale ee Ingiriiska ah ee Jones, sidoo kalena waxay ka reebeen khadka dhexe ee Manchester City ee Rodri, laakiin Gary Neville ayaa labadan ciyaartoyba kusoo daray shaxdiisa.
Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher waxa uu kooxdiisa kusoo daray Cole Palmer iyo Bernardo Silva oo aan ku jirin shaxda Gary Neville, waxaanay saddexdan ciyaartoy noqdeen kuwa kaliya ee ay isku maandhaafeen labadan halyey.
Difaaca dhexe ayaa waxa ay usoo xusheen William Saliba iyo Virgil van Dijk, halka labada dhinacna ay kala siyeen Alexander-Arnold iyo Destiny Udogie.
Waxa kale oo ay Gary Neville iyo Jamie Carragher soo wada xusheen Declan Rice oo khadka dhexe ah, Mohamed Salah, Jarrod Bowen iyo Son Heung-min oo weerarka ah.
Neville waxa uu shaxdiisa kusoo darsaday weeraryahan kale oo dheeraad ah, waana Haaland iyo khadka dhexe oo uu ku xoojiyey Rodri oo uu ka garab ciyaarsiiyey Rice.
Carragher ayaa kaga duwanaaday difaaca hore ee Manchester United, in Bernardo Silva iyo Cole Palmer uu safkiisa ku xoojiyey, taas oo ka dhigan in weerarka tooska ah uu u daayey Jarrod Bowen oo ay caawinayaan Salah iyo Son.
Shaxda Garry Neville
Shaxda Jamie Carragher
Be the first to comment