Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaaray min 20 kulan, waxaana uu sannadka cusub bilowday iyadoo ay Liverpool hoggaanka ku hayso saddex dhibcood oo nadiif ah, isla markaana Arsenal oo dardar ku socotay ay jallaafooyin la kulantay oo ay u dhacday kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta.
Manchester City oo si weyn sare ugu soo kacday kulamadii ugu dambeeyey ayaa awoodday inay booska saddexaad soo gasho iyadoo afraad u riixday Arsenal, halka Aston Villa ay tahay mucjisada sannadkan ee la loodin la’yahay oo ay saddex dhibcood ka dambayso Liverpool oo hoggaanka ku dheeraysatay guul ay Isniintii ka gaadhay Newcastle United oo uu waqtigu ku xun yahay.
Arsenal ayaa bixisay fursad dahabi ah oo ay siisay kooxaha la tartamaya saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana usbuucan sii dilay Fulham oo 2-1 ku garaacday isla markaana hoos u ridday, halka Aston Villa ay guul 3-2 ah kasoo gaadhay Burnley oo ay isla rafaadeen, isla markaana waqti dambe uu rikoodhe guusha ugu go’aamiyey Douglas Luiz.
City waxay iyadu kasoo takhalustay Sheffield United oo ay ku garaacday 2-0, iyadoo waliba dib u heshay Kevin de Bruyne oo ciyaartaas joogay halka Jeremy Doku iyo Erling Haaland ay iyaguna tababarka ugu soo laabteen oo ay kooxdooda xoojinayaan usbuucyada soo socda.
Qormadan, waa tii usbuuclaha ahayd ee aanu isbarbar-dhigga ku samaynaynay kulamada horyaalka Premier League ah ee kusoo waajahan kooxaha safka hore ku dagaallamaya, iyadoo kooxaha qaarkood ay dheeli doonaan tartamo kale sida FA Cup iyo Carabao Cup.
Liverpool iyo Arsenal waxa ay maalinta Axadda ee January 7 wada dheeli doonaan wareegga saddexaad ee FA Cup, halka kooxda tababare Jurgen Klopp ay Arbacada January 10 iyo January 24 ay laba ciyaarood oo semi-finalka Carabo Cup ah la dheeli doonto Fulham.
Halkan kaga bogo min shanta ciyaarood ee Premier League ee kusoo waajahan Liverpool, Aston Villa, Man City, Arsenal iyo Tottenham
Liverpool – Kaalinta 1aad – 45 dhibcood
Bournemouth (Marti) – Axad, January 21
Chelsea (Minan) – Arbacada, January 31
Arsenal (Marti) – Axad, February 4
Burnley (Minan) – Sabti, February 10
Brentford (Marti) – Sabti, February 17
Aston Villa – Kaalinta 2aad – 42 dhibcood
Everton (Marti) – Axad, January 14
Newcastle United (Minan) – Salaasa, January 30
Sheffield United (Marti) – Sabti, February 3
Manchester United (Minan) – Axad, February 11
Fulham (Marti) – Sabti, February 17
Manchester City – Kaalinta 3aad – 40 dhibcood
Newcastle United (Marti) – Sabti, January 13
Burnley (Minan) – Arbacada, January 31
Brentford (Marti) – Isniin, February 5
Everton (Minan) – Sabti, February 10
Chelsea (Minan) – Sabti, February 17
Arsenal – Kaalinta 4aad – 40 dhibcood
Fulham (Marti) – Axad, December 31
Crystal Palace (Minan) – Sabti, January 20
Nottingham Forest (Marti) – Salaasa, January 30
Liverpool (Minan) – Axad, February 4
West Ham (Marti) – Axad, February 11
Tottenham Hotspur – Kaalinta 5aad – 39 dhibcood
Manchester United (Marti) – Axad, January 14
Brentford (Minan) – Arbacada, January 31
Everton (Marti) – Sabti, February 3
Brighton (Minan) – Sabti, February 10
Wolves (Minan) – Sabti, February 17
Be the first to comment