Kooxda kubadda cagta Barcelona waxa ay heshay ciyaartoy dilaa ah oo leh astaamaha halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario, kaas oo toddobaadkan lagu soo dhoweeyey Spain isla markaana si toos ah tababarka ula bilaabay kooxdiisa cusub.
Ciyaartoyga aynu ka hadlaynaa waa weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque oo ah 18 jir ay Barcelona kala soo wareegtay kooxda Athletico Paranaense iyadoo kasoo bixisay €30 milyan oo Euro oo kaash ah iyo €35 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa.
Xagaagii ayay Barcelona dhamaystirtay heshiiska Vitor Roque, hase yeeshee waxa ay amaah ugu daayeen kooxdiisii hore maadaama ay da’diisu ka yarayd waqtiga loo ogol yahay inuu ka guuri karo waddankiisa ee uu tegi karayo Yurub.
Vitor Roque oo la filayo inuu Barcelona u ciyaaro kulanka Khamiista ee Las Palmas, ayaa waxa la barbar-dhigay halyeygii Brazil ee Ronaldo oo la sheegay inuu leeyahay astaamihiisii.
Agaasimihii hore ee kooxda Athletico Paranaense, Alexandre Mattos oo wax laga weydiiyey laacibkan ayaa yidhi: “Waxa uu in badan u egyahay Ronaldo. Waa ciyaartoy dilaa ah, wuu xooggan yahay waxaanu leeyahay awood uu ku dhalin karayo goolal, waxa uu leeyahay shuruud kasta oo lagama maarmaan ah oo uu ku noqon karayo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida.”
Mattos oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey: “Wuxuu leeyahay tayooyin ku filan si uu u guuleysto. Jidh ahaan wuu xooggan yahay, maskax ahaan aad ayuu u caqli badan yahay, wuxuuna leeyahay awood gool-dhalineed.”
Be the first to comment