DEG-DEG: Manchester United Oo Dhamaystirtay Saxeexii Koowaad Ee January Iyo Xiddig Maanta Ka Tegay


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay heshiiskeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January oo maanta furmay, halka laacibkii koowaadna uu isla maanta ka ambobaxay Old Trafford oo uu u wareegay.

Manchester United ayaa waxa ay si rasmi ah ugu gudbisay Victor Lindelof waraaqaha dhaqan-gelinta heshiis sannad ah oo lagu kordhiyey qandaraaskiisii hore, isla markaana uu sii joogayo Old Trafford xilli-ciyaareedka dambe.

Qandaraaskii ay Manchester United kula jirtay Lindelof ayaa dhigayay, in sannad dookh ah ay Red Devils ku kordhin karto qandaraaskiisa oo ku ekaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan, laakiin dhaqangelinta ay maanta ku dhawaaqday United ayaa ka dhigan in difaacan uu sii joogayo kooxda illaa laga gaadhayo June 2025.

29 jirkan ayaa waxa ku xigi doona laba ciyaartoy oo kael oo ay Manchester United qorshaynayso inay heshiisyadooda kordhiso, waana Aaron Wan-Bissaka iyo Hannibal Mejbri.

Dhinaca kale, Manchester United ayaa waxa maanta ka tegay xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek oo amaah ugu wareegay kooxda horyaalka Germany ee Eintracht Frankfurt.

Eintracht ayaa waxa ay bixin doontaa lacag aad u kooban oo ah lacagta amaahda iyo inta badan mushaharka laacibkan illaa laga gaadhayo bisha June ee sannadkan, waxaana haddii ay ku qancaan bandhiggiisa ciyaareed ay si rasmi ah ugu iibsan karayaan €11 milyan oo Euro iyo €3 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo guulaha uu ku gaadho Bundesliga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*