Xiddiga Barcelona ee Ilkay Gundogan ayaa lagu qasbay inuu cusbitaalka ku qaato maalmihii ugu dambeeyey sannadkii tegay ee 2023, kaddi markii uu dhaawac kasoo gaadhay qalabka lagu jimicsado ee ay ciyaartoyda kooxdaasi ku sameeyaan jidh-dhiska.
Ilkay Gundogan oo ay da’diisu tahay 33 jir, kana mid ahaa ciyaartoyda ugu bandhigga fiican Barcelona xilli-ciyaareedkan, isla markaana dhaliyey laba gool iyo lix caawimood, ayaanu sannadka 2023 ugu dhamaanin sidii uu rajaynayay.
Kubbad-sameeyahan oo xilli-ciyaareedkii tegay ka caawiyey Barcelona inay ku guuleysato horyaalka Spain ee LaLiga, ayaa Sabtidii ku dhaawacamy qolka jimicsiga ee garoonka tababarka kooxdiisa ee Ciutat Esportiya Joan Gamper, waxaana madaxa kaga dhacday bir miisaankeedu culus yahay oo ku siibatay.
Laacibkan ayaa loo qaaday cusbitaalka oo maalmo ku jiray, waxaana ku wehelinaysay oo garabkiisa joogtay xaaskiisa Sara oo sawirro ay soo dhigtay barteeda Instagram laga arkayay dhaawacyada soo gaadhay Ilkay Gundogan iyo qodobbada la tolay.
Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay in isla markii ay birtu ku siibatay Ilkay Gundogan uu wajigiisa dhiig qariyey, waxaana woxoogaa la tacaalay dhakhaatiirta kooxdiisa oo markii dambena u qaaday cusbitaalka.
Warka ayaa intaa ku daray, in Ilkay Gundogan uu hadda fiican yahay oo uu awoodi doono inuu qayb ka noqdo liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee Khamiista waajahaya Las Palmas.
Be the first to comment