DEG-DEG: Ciyaartoyda Arsenal Oo Isku Dhax-qabsaday Garoonka Ciyaartii Fulham


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayay u ahayd maalin kale oo adag oo ay la kulmeen guul-darro xanuun badan, waxaanay guul-darradani timid iyagoo raadinaya inay kasoo kabtaan khasaarihii ay West Ham ugu geysatay garoonka Emirates Stadium.

Arsenal oo gool kaga naxsatay Fulham daqiiqaddii 5aad, ayaa waxa ay xajisan kari waayeen guusha gacantooda ku jirtay, waxaana laba gool oo labadii qaybood ahaa ka kala dhaliyey Jimenez iyo Reid, waxaana sidaas ay kusoo xidheen sannadka cusub iyaga oo laba guul-darro la iskugu xigsiiyey.

Guul-darradan u dambaysay oo sababtay in Arsenal ay si rasmi ah ugu dhacdo kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay ka horreeyaan Liverpool, Aston Villa iyo Manchester City, ayaa waxa u raacday in ciyaartoydeedu ay isku dhax-qabsadeen garoonka.

Difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes ayaa garoonka dhaxdiisa ku canaantay Declan Rice, iyadoo ay hor taagan yihiin goolhaye David Raya, waxaana labada ciyaartoy ka xumaaday afka kaddib markii uu Rice si adag ugu jawaabay Gabriel.

Murankan oo yimid waxyar kaddib markii uu Raul Gimenez ka dhaliyey goolka barbarraha isla markaana aan la gaadhin goolka Bobby De Cordova-Reid ee go’aamiyey guusha Fulham, ayaa uu sii xumaynayaa xaaladda ay ku jirto Gunners.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*