Arsenal Oo Guul-darro Xanuun Badan Kusoo Xidhatay Sannadka 2023 Iyo Rikoodhka Murugada Leh Ee Loo Diiwaangeliyey

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun badan oo kasoo gaadhay horyaalka Premier League kusoo xidhatay sannadka 2023, waxaana maanta 2-1 ku garaacday Fulham oo cusbo sii marisay nabarrada xanuunka badan ee Gunners soo gaadhayay usbuucyadii ugu dambeeyey.

Arsenal oo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League laga badiyey saddex ka mid ah, sidoo kalena hal mar barbarro gashay, ayaa waxa ay u safreen Craven Cottage iyaga oo raadinaya guul laakiin waxa ay lasoo laabteen niyad-jab kale.

Bukayo Saka ayaa Arsenal hoggaanka u dhiibay shan daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay, waxaana si weyn u dabbaal-degay xiddigaha kooxdiisa iyo taageereyaashooda oo filayay inay sii wadan doonaan dhalinta goolasha.

Laakiin kooxda martida loo ahaa ee Fulham ayaa keentay goolka barbarraha daqiiqaddii 29aad oo goolka  barbarraha uu u dhaliyey Raúl Jiménez oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Tom Cairney, waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-1.

Markii lagu soo noqday qaybta albaad ayay labada kooxoodba si adag u dagaallameen, waxaase gacanta sare yeelatay Fulham oo ciyaarta ka dhigay 2-1 daqiiqaddii 59aad, iyadoo goolkan oo dilay Arsenal uu u dhaliyey Robbin Reid.

Arsenal ayaa ku sigatay in gool labaad laga dhaliyo markii laad xor ah uu birta ku garaacday Pereira oo beddel ugu soo galay Fulham, ka hor intii aanu goolhaye Raya faro-cididood ku badbaadin laad dhinaca bidix lagaga toogtay oo uu koorne u saaray.

Culays badan ayay ciyaartoyda Arsenal saareen goolka Fulham dhamaadkii, waxaase fursaddii ugu fiicnayd ka lumiyey Bukayo Saka oo kubbad uu goolka la hortegay uu isku dhigay Joao Palhinha.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay u dhacday kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay ku haysato 40 dhibcood, waxaana farqiga goolasha kaga sarraysa Man City oo ay waliba ciyaar baaqi u tahay, halka Liverpool iyo Fulham ay min laba dhibcood ka horreeyaan, iyadoo waliba Liverpool kulankeeda toddobaadkan ciyaaraysa Isniinta berri.

Arsenal ayaa loo diiwaangeliyey rikoodh fool xun oo ah in sannadkii labaad oo xidhiidh ah laga badiyey maalin ka hor sannadka cusub, waxaana sidan oo kale sannadkii hore ee 2022 u garaacday Manchester City oo ay gool kala hormareen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*