DEG-DEG: Xiddig Dhaawaciisu Murugo Ka Abuuray Premier League Iyo Afrika Oo Ilmada Ceshan Waayey


Dhaawac murugadiisu saamaysay horyaalka Premier League iyo qaaradda Afrika ayaa maanta ka dhacay magaalada London, halkaas oo garoonka laga saaray ciyaartoy ilmada ceshan waayey oo ay halis ku jirto fursaddiisii ka-qaybgalka tartanka qaramada Afrika.

Ciyaartii Tottenham iyo Bournemouth ayaa waxa qaybtii hore laga saaray xiddiga khadka dhexe ee Pape Sarr oo lugta uu dhaawac kasoo gaadhay, isla markaana garoonka dhaxdiisa ilmada shalaqsaday.

Taageereyaasha fadhiyey garoonka Tottenham Hotspur Stadium ayaa la murugooday laacibkan markii ay arkeen isaga oo indhihiisa ay ilmadu qoysay, sidoo kalena waxa murugada laga dareemay waddanka Senegal oo uu ugu jiray liiska xiddigaha uu tababare Cisse u xushay tartanka qaramada Afrika ee lagu qabanayo Ivory Coast.

Sarr oo 18 ciyaarood u saftay xulka qaranka dalkiisa Senegal ayaan wali faahfaahin badan laga helin dhaawaciisa, laakiin waxa loo badinayaa in muruqa uu wax ka noqday, waxaana baadhitaano lagu samayn doonaa 48ka saacadood ee soo socda.

Kabtanka Tottenham ee Son Heung-min ayaa garoonka dhaxdiisa murugada kula qaybsaday Sarr oo garanka uu xidhnaa ku qariyey wajigiisa si aan loo arag ilmada, waxaana booskiisa lagu soo beddelay Lo Celso.

Sarr ayaa uu qorshihiisu ahaa in Isniinta berri uu u safro waddankiisa Senegal oo uu la midoobo ciyaartoyda xulka qaranka dalkaas, laakiin nasiib-darro ayaa ku dhacday, waxaana uu ku sugnaan doonaa London inta laga hubinayo dhaawaciisa.

Yves Bissouma oo sidoo kale khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ayaa sidoo kale ka tegi doona Spurs oo xulka qaranka Mali u ciyaari doona, halka Son Heung-min uu isaguna tegayo waddankiisa South Korea oo uu kala qayb-gelayo ciyaaraha Asian Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*