TOP 10: Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Goolasha Badnaa Adduunyada Sannadkan Dhamaanaya Ee 2023 Iyo Ruug-caddaaga La Loodin Waayey


Cristiano Ronaldo iyo Harry Kane ayaa hoggaaminaya liiska ciyaartoyda goolasha ugu badan ka dhaliyey garoomada sannadkan sii dhamaanaya ee 2023, waxaana kaalinta koowaad xajisanaya ruug-caddaaga reer Portugal oo sannadkan ku dhamaysanaya isaga oo haysta aqoonsiga ciyaartoygii ugu goolasha badnaa.

Xiddiga reer Portugal oo shalay u dabbaal-degay sannad-guuradiisii 1aad ee kasoo wareegtay markii uu ku biiray kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Nasr ayaa muujiyey in aanay dhalinta goolashu kaga xidhnayn kooxda uu joogo iyo ciyaartoyda caawinaysa, balse ay tahay mid dabiici ah oo meel kasta oo uu tago uu kasii wadanayo gool-dhalinta.

38 jirkan ayaa 44 gool u dhaliyey kooxdiisa Al-Nassr, waxaana uu ku darsaday 10 gool oo kale oo uu u saxeexay xulka qaranka dalkiisa Portugal.

Laakiin waxa uu Cristiano Ronaldo nasiib ku lahaa in uu dhaawacmay weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland oo aan ciyaarin toddobadii kulan ee ugu dambeeyey kooxdiisa oo uu dhaawac kaga maqnaa, kana dambeeya laba gool oo kaliya iyo Harry Kane oo isaguna laba gool ka dambeeya Ronaldo oo horyaalka Bundesliga uu fasax ku jiray labadii usbuuc ee ugu dambeeyey.

10. Lautaro Martinez – Inter Milan – 37

9. Barnabas Varga – Ferencvarosi TC – 38

8. Santiago Gimenez – Feyenoord – 39

6. Denis Bouanga – Los Angeles FC- 40

= Romelu Lukaku – AS Roma- 40

= German Cano – Fluminense- 40

4. Erling Haaland – Manchester City – 50

2. Kylian Mbappe – Paris Saint-Germain – 52

= Harry Kane – Bayern Munich – 52

1. Cristiano Ronaldo – Al-Nassr – 54

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*