WARBIXIN: Suuqa Iibka Ciyaartoyda Oo Caawa Furmaya Iyo Boosaska Ay Iska Xoojinayso Koox Kasta Oo Premier League Ah & Xiddigaha Ka Tegaya


Warbixintan, waxa ay hordhac u tahay ibo-furka suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January oo furmaya saqda dhexe ee caawa, markaas oo ay koox walba oo kubadda cagta ah awood u yeelan doonto in ay ciyaartooyo cusub la saxeexato amaba iibiso kuweeda, iyadoo ay furan tahay in amaah ay kusoo qaadato xiddigo kale amaba ay amaah ku dirto.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ah tartanka ugu xamaasadda badan ee ay kooxihiisu xafiiltanka badan ee loollanka tartamada maxalliga ah iyo ciyaartoydaba ku jiraan ayaynu si gaar ah ugu soo qaadanaynaa warbixinteenna, waxaanaynu eegaynaa koox kasta booska ay u baahan tahay inay iska xoojiso.

Premier League oo maraya kulamadii 20aad, isla markaana ay kooxaha u hadhsan yihiin min 18 ciyaarood oo ah kuwa sida dhabta ah u go’aaminaya booska ay koox walba ku dhamaysan doonto xilli-ciyaareedkan, waxa kale oo aynu magacaabi doonnaa ciyaartoyda ay tahay in kooxuhu iska diraan bishan January, iyadoo qaarkood ay dib usoo celin doonaan ciyaartooyo amaah kaga maqnaa kaddib markii ay waqti ciyaareed ka waayeen kooxihii ay tageen.

Manchester City oo horyaalka ku guuleysatay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, Arsenal oo kaalinta labaad ku dhamaysatay, Liverpool oo hadda hoggaanka haysa iyo Manchester United oo daalaa-dhacaysa ayaa mid walba ay u baahan tahay inay is-xoojiso, halka Chelsea aanay qarsoodi ahayn sida ay ugu  baahan tahay dhaliya.

Halkan kaga bogo boosaska ay koox walba oo Premier League ah u baahan tahay inay iska xoojiso iyo ciyaartoyda ay suurtogalka tahay inay ka tagaan.

  1. ARSENAL

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac bidixDifaac dhexe, khad dhexe iyo weeraryahan

Yaa ka tegi karaya: Thomas Partey, Jorginho, Emile Smith-Rowe, Jakub Kiwior, Aaron Ramsdale iyo Eddie Nketiah.

  1. ASTON VILLA

Boosaska ay iska xoojinayso: Weeraryahan, Khad dhexe iyo difaac midig

Yaa ka tegi karaya : Leander Dendoncker, Calum Chambers, Bertrand Traore iyo Douglas Luiz

  1. BOURNEMOUTH

Boosaska ay iska xoojinayso: Gool-dhaliye, difaac dhexe

Yaa ka tegi karaya:  Dominic Solanke oo ay kooxo badan ka doonayaan, Lloyd Kelly oo ay Milan raadinayso, Kieffer Moore iyo David Brooks

  1. BRENTFORD

Boosaska ay iska xoojinayso: Garbaha iyo difaacyahannada bidix iyo midig, khad dhexe oo gool illaa gool ah iyo weeraryahan

Yaa ka tegi karaya: Ivan Toney oo ay kooxo badan doonayaan sida Arsenal iyo Chelsea.

  1. BRIGHTON

Boosaska ay iska xoojinayso: Garab, khad dhexe iyo difaac bidix

Yaa ka tegi karaya: Odel Offiah (Wigan ayuu amaah ku joogaa).

  1. BURNLEY

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac bidix, difaac midig, kubbad-burburiye iyo weeraryahan ay amaah kusoo qaataan maadaama ay dhaqaale xumo haysato

Yaa ka tegi karaya: Scott Twine.

  1. CHELSEA

Boosaska ay iska xoojinayso: Weeraryahan, difaac bidix, difaac dexe iyo goolhaye

Yaa ka tegi karaya: Trevoh Chalobah, Malang Sarr, Ian Maatsen iyo Conor Gallagher oo isaga si aad ah loola xidhiidhinayo Tottenham.

  1. CRYSTAL PALACE

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac midig, kubbad-sameeye, iyo weeraryahan – dhamaantood amaah ayay ku raadin doonaan

Yaa ka tegi karaya: Sam Johnstone, Jean-Philippe Mateta.

  1. EVERTON

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac dhexe, difaac bidix, khad dhexe, garab weerar – dhamaantood amaah ayay ku raadin doonaan maadaama dhaqaale xumo haysato

Yaa ka tegi karaya: Ben Godfrey, Andre Gomes, Amadou Onana.

  1. FULHAM

Boosaska ay iska xoojinayso: Weeraryahan, khad dhexe iyo difaac dhexe

Yaa ka tegi karaya: Joao Palhinha, Tosin Adarabioyo.

  1. LIVERPOOL

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac dhexe, khad dhexe iyo garab

Yaa ka tegi karaya: Nat Phillips (amaah), Rhys Williams (amaah), Fabio Carvalho (amaah).

  1. LUTON TOWN

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac dhexe, difaac midig, kubbad-sameeyey No.10 ah iyo weeraryahan

Yaa ka tegi karaya: Albert Sambi Lokonga (waxay dib ugu dirayaan Arsenal).

  1. MAN CITY

Boosaska ay iska xoojinayso: Khad dhexe, difaac dhexe iyo difaac bidix

Yaa ka tegi karaya: Kalvin Phillips on loan.

  1. MAN UNITED

Boosaska ay iska xoojinayso: Weeraryahan, kubbad-sameeye iyo difaac dhexe

Yaa ka tegi karaya: Donny van de Beek (Frankfurt, heshiis amaah ah ayaa la dhamaystiray), Anthony Martial, Raphael Varane, Casemiro, Hannibal Mejbri, Amad Diallo iyo Jadon Sancho.

  1. NEWCASTLE UTD

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac dhexe, Weeraryahan da’yar ah

Yaa ka tegi karaya: Waxa ay midkood ka takhalusi doonaan Callum Wilson ama Jamaal Lascelles si ay u helaan lacag ay kusoo iibsadaan ciyaartooyo. Isaac Hayden ayaa sidoo kale la iibin karayaa.

  1. NOTTINGHAM FOREST 

Boosaska ay iska xoojinayso: Weeraryahan, khad dhexe iyo difaac dhexe

Yaa ka tegi karaya: Gustavo Scarpa (Atletico Mineiro), Joe Worrall.

  1. SHEFFIELD UTD

Boosaska ay iska xoojinayso: Weeraryahan, garab, kubbad-burburiye, difaac dhexe oo dhinaca midigna ka dheela.

Yaa ka tegi karaya: Ismaila Coulibaly ayaa laga yaabaa inuu tago AIK Stockholm.

  1. TOTTENHAM

Boosaska ay iska xoojinayso: Difaac dhexe, khad dhexe iyo weeraryahan

Yaa ka tegi karaya: Hugo Lloris waxa uu heshiis la gaadhay Los Angeles FC, Richarlison waxa doonaya kooxaha Sucuudi Carabiya, laakiin Spurs ayaa diidi doonta, Eric Dier iyo Pierre-Emile Hojbjerg.

  1. WEST HAM

Boosaska ay iska xoojinayso: Weeraryahan iyo difaac dhexe

Yaa ka tegi karaya: Said Benrahma, Thilo Kehrer, Pablo Fornals, Maxwel Cornet iyo Danny Ings.

  1. WOLVES

Boosaska ay iska xoojinayso: Garab, difaac dhexe iyo goolhaye

Yaa ka tegi karaya: Sasa Kalajdzic wuxuu amaah ku joogaa Eintracht Frankfurt, Jonny, Jose Sa iyo Fabio Silva oo amaah ku jooga Rangers

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*