Mikel Arteta Oo Ciqaabay SADDEX Ciyaartoy Oo Ku Ceeboobay Kulankii West Ham


Mikal Arteta ayaa qaarkood ka saaray liiska kooxdiisa, kuwo kalena kaydka dhigay saddex ciyaartoy oo la saluugay bandhiggooda kulankii guul-darrada 2-0 ah ay kala kulmeen West Ham fiidkii Khamiistii, kuwaas daawadeyaal ka noqonaya ciyaarta Fulham ee galabta.

Weeraryahanka Gabriel Jesus ayaa kaydka loo dhaadhiciyey oo uu booskiisa la wareegay Eddie Nketiah, kaddib markii uu laacibka reer Brazil fursado badan khasaariyey ciyaartii West Ham, sidoo kalena la saluugay bandhiggiisa iyo heerka awooddiisa gool-dhalinta.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Arsenal aan lagu soo darin difaaca dhalliisha badan loo jeedinayo ee Aleksandr Zinchenko oo booskiisa difaaca bidix uu ka ciyaarayo Jakub Kiwior, halka Kai Havertz uu booska kala baxay Leandro Trossard kaddib markii uu kasoo laabtay ganaax uu ku maqnaa ciyaartii hore.

Takehiro Tomiyasu oo muddo dhaawac u jiifay ayay Arsenal dib u heshay, laakiin waxa uu kusoo bilowday kursiga kaydka.

Shaxaha rasmiga ah ee Fulham vs Arsenal

Arsenal XI: Raya, White, Saliba, Gabriel, Kiwior, Rice, Havertz, Odegaard, Saka, Martinelli, Nketiah.

Kaydka: Ramsdale, Cedric, Tomiyasu, Jorginho, Elneny, Smith Rowe, Nelson, Trossard, Jesus.

Fulham XI: Leno, Castagne, Tosin, Bassey, Robinson, Palhinha, Cairney, De Cordova-Reid, Iwobi, Willian, Jimenez.

Kaydka: Rodak, Tete, Ballo-Toure, Diop, Lukic, Reed, Wilson, Pereira, Muniz

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*