Al-Ittihad Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Karim Benzema Oo LIX Bilood Oo Kaliya U Ciyaaray


Kooxda kubadda cagta Al-Ittihad ee horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa go’aan ka gaadhay xiddiga reer France ee Karim Benzema oo dhalliilo badan loo jeedinayo, kaddib markii ay kooxdaasi hoos ugu dhacday meel aanay ka hiigsan karaynin horyaalka Sucuudiga ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay.

Karim Benzema oo 36 jir ah ayaa xagaagii u wareegay Al-Ittihad oo ka dhigtay ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan adduunyada oo uu ka horreeyo Cristiano Ronaldo oo kaliya, waxaase uu dhibbane u noqday dhalleecayn iyo canaan ay taageereyaasha kooxdiisu huwiyeen.

Kaddib guul-darradii toddobaadkii hore ee ay Al-Nassr ku xasuuqday 4-2 iyadoo waliba lagu ciyaarayo garoonka Al-Ittihad oo uu Cristiano Ronaldo laba gool ka dhaliyey, mid ka mid ahna uu rikoodhe galay Benzema ayaa waxa ay weeraryahankan hore ee Real Madrid ku noqotay mushkilad kusoo korodhay.

Taageereyaasha Al-Ittihad ayaa u bixiyey naanays cusub oo ah ‘Ben-Hazima’ oo marka la turjumo noqonaysa ‘Wiilka guul-darrada ama Ina Guul-darro’, waxaanay taasi keentay inuu hawada ka saaro bartiisa Instagram.

Laakiin kooxdiisa Al-Ittihad ayaa waxa ay go’aa ku gaadhay in aanay u ogolaanin Benzema inuu ka tago bisha January maadaama uu lix bilood ka hor uun yimid Sucuudiga oo ay la galeen heshiis waalli ahaa oo uu ku helayo mushahar toban-jibbaar ka badan midkii uu ka qaadan jiray Real Madrid.

Warar laga helayay waddanka Sucuudiga ayaa sheegayay, in ay jireen kooxo doonaya inay amaah ku qaataan Benzema oo ay dib ugu soo celiyaan Yurub, iyadoo mushaharkiisa xad-dhaafka ahna ay bixinayso Al-Ittiad laakiin kooxda Sucuudiga ayaa ku wargelisay naadiyadaas in aanay bixinayn xiddigeedan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*