“Wuxuu Sameeyey Qaladkii Lagu Eryi Lahaa!!” – Taageereyaasha Man United Oo Ka Quustay Erik Ten Hag


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa xalay ka cadhaysiiyey taageereyaasha kooxdiisa, kaddib markii ay guul-darro 2-1 ah kala soo kulmeen Nottingham Forest oo ay marti u ahaayeen.

Red Devils ayay u ahayd guul-darradii 14aad ee kasoo gaadhay 28 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeleen, waxaana laba gool ka kala dhaliyey nicolas Dominguez iyo Morgan Gibbs-White, halka Macus Rashford uu keenay goolka madiga ah ee United oo ahaa qalad uu sameeyey goolhaye Matt Turner.

Jamaahiirta Manchester United ayaa kaddib guul-darrada, waxa ay sheegeen in Erik ten Hag uu sameeyey qalad shaqada lagaga caydhin karayo, waxaanay ka cadhaysnaayeen xulashada ciyaartoyda iyo safkii uu kusoo galay.

Ten Hag ayaa kaydka dhigay Scott McTominay oo uu ka doortay da’yarka Kobbie Mainoo, laakiin waxa uu Ten Hag waqtigii nasashada beddelay Kobbie Mainoo iyadoo ciyaartu tahay barbarro goolal la’aan ah, taas oo ay taageereyaashu ku tilmaaneen dembi culus.

Mid ka mid ah taageereyaasha ayaa bartiisa X kusoo qoray: “Ten Hag waxa uu sameeyey gefkii shaqada lagaga eryi lahaa.”

Mid labaad ayaa raaciyey: “Haddii Mainoo aanu dhaawacnayn, waa in isla hadda shaqada laga caydhiyo Ten Hag. Xataa ma sugi karayo inta ay ciyaartu dhamaanayso.”

Taageere saddexaad ayaa isaguna yidhi: “Ten Hag hala eryo!!! Waxa uu sameeyey beddel dembi ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa hadda geli doonta fasax kooban, waxaanay ciyaartoydeedu ka nasan doonaan canaantii badnayd iyo guul-darrooyinkii iyaga oo dib ugu soo laaban doona garoomada January 14 oo ay waajihi doonaan Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*