Liverpool mise Arsenal? Pep Guardiola Oo Magacaabay Koooxda Premier League Ee Uu Ka Baqayo Inay Ku Garaacdo Horyaalka Xilli-ciyaareedkan


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Pep Guardiola ayaa farta ku fiiqay kooxda ugu weyn ee uu ka cabsi qabo xilli-ciyaareedkan ee sida dhabta ah ugula tartamaysa horyaalka Premier League, taas oo uu ku sheegay inay tahay koox ka wanaagsan naadigiisa Manchester City.

Horyaalka Premier League oo xilli-ciyaareedkan ay kooxuhu sanka isku hayaan, isla markaana laba dhibcood oo kali ahi kala soocaan afarta ugu sarreeya, ayaa waxa dhawr jeer uu isbeddel ku yimid hoggaanka oo ay iska beddeleen Man City, Arsenal iyo Liverpool bilihii ugu dambeeyey.

Qaybta labaad ee horyaalka Premier League ayaa bilowday toddobaadkii hore, waxaana Manchester City ay dib ugu soo laabatay qaabkeedii bisha December oo ay laba ciyaarood oo isku xiga guuleysatay, kaddib markii ay daalaa-dhacaysay bishii November, waxaanay hadda soo cidhiidhsatay kaalinta saddexaad iyadoo laba dhibcood ka dambaysa Liverpool oo hoggaanka haysa.

Tababare Pep Guardiola oo ay kooxdiisu saddexdii horyaal ee ugu dambeeyey kusoo guuleysatay ayaa doonaya in sannadkii afraad oo xidhiidh ah uu qaato horyaalka Premier League, waxaase uu sheegay in uu dareemayo in ay Liverpool tahay kooxda la tartamaysa oo waliba ka wanaagsan naadigiisa.

Guardiola oo saxaafadda la hadlay kaddib guushii 2-0 ahayd ee Sabtidii ay ka gaadheen Sheffield United, ayaa yidhi: “Tartanka horyaalku aad ayuu u adag yahay, annaguna ma nihin kooxda hoggaanka haysa. Liverpool ayaa naga wanaagsan hadda.

“Waxa aanu galnay dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale, waxa aanuse kusoo guuleysanay koobab muhiim ah, heerkayaguna aad ayuu u fiican yahay. Hadda, waanu nasan doonaa sababtoo ah January uma badna ciyaaruhu sidii November iyo December oo kale, waananu is-diyaarin doonaa.”

Ciyaartii ay guusha kasoo gaadheen Sheffield United, waxa Manchester City usoo laabtay Kevin De Bruyne oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad tan iyo bishii August oo uu dhaawacmay, hase yeeshee waxa ka maqnaa Erling Haaland iyo Doku oo iyagana ay rajaynayaan in ciyaarta soo socota ay diyaar u noqdaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*