Dhaawaca David Alaba Oo Kasii Xumaaday Sidii La Filayey Iyo Real Madrid Oo Ku Qasban Inay Beddelkiisa Doonato


Laba toddobaad ka hor, difaaca Real Madrid ee David Alaba ayay uga dhamaatay xilli-ciyaareedkan, kaddib markii uu dhaawac culus jilibka kasoo gaadhay kulankii Villarreal. Difaaca reer Austria ayaa ka jabay lingashaxa lafta ah ee ku wareegsan jilibka, waxaana lagu sameeyey qalliin lagu sheegay in aanay mar dambe ciyaari doonin xilli-ciyaareedkan socda.

Waxa kale oo isla waqtigaas la xaqiijiyey, in Alba aanu dalkiisa kala-qaybgeli doonin tartanka qaramada Yurub ee xagaaga lagu qabanayo waddanka Germany.

Alaba ayaa hore loo filayay in uu kusoo laaban doono kooxdiisa bilowga xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana ay kooxdiisu isku mar soo dhoweyn doonto isaga iyo Thibaut Courtois oo isagana bishii August ka jabay jilibka. Laakiin waqtiga Alaba ayaa hadda sii kordhaya.

Sida uu ku warramayo khabiirka ciyaaraha Ramon Alvarez de Mon, David Alaba ayaa waxa uu dhaawaciisu saameeyey wiilka jilibka oo isaguna wax noqday, waana isla sidii ku dhacday xiddiga Barcelona ee Gavi, taas oo ka dhigan in uu muddo 10 bilood ah jiifi doono.

Waxa intaa dheer, in laacibkani uu muddooyinkii dambe la daalaa-dhacayay dhaawacyo muruqyada ah oo sababay in uu kulamo badan ka maqnaado xilli-ciyaareedkan socda, ka hor intii aanu gaadhin dhaawaca culus ee uga dhameeyey xilli-ciyaareedka.

Real Madrid ayaa hadda ku qasban inay la saxeexato difaac dhexe oo noqda beddelka David Alaba oo illaa bisha October ee sannadka dambe ka maqnaan doona garoomada, iyadoo marka uu soo laabtana ay yaraan doonto isku-hallayntiisa taam ahaanshuhu maadaama ay da’diisu noqonayso 32 jir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*