Xiddigii Ay Doonayeen Man United Iyo Liverpool Oo Dhaxda Loo Galay, Barca Oo Lagu Qabsaday Greenwood Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta Oo Axad Ah


Tottenham ayaa dalab ka gudbisay difaaca Genoa ee Radu Dragusin oo ah 21 jir u dhashay waddanka Romania oo ay doonayaan inay la saxeexdaan bisha January. (SportItalia)

Tababaraha Juventus ee Max Allegri ayaa codka diidmada qayaxan ku hor istaagaya in kooxdiisu ay la saxeexato khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips oo uu rumaysan yahay in aanu kusoo baxaynin qaab-ciyaareedka kooxdiisa. (Calciomercato)

Barcelona lama filayo inay la saxeexato Mason Greenwood, sababtoo ah ma awoodi karayaan inay bixiyaan qiimaha ay ku xidhayso Manchester United oo ah £40 milyan oo Gini. 22 jirkan ayaa waxa kale oo doonaysa Getafe oo waqtigan uu amaah ugu ciyaaro. (Sport)

Atletico Madrid ayaa mar horeba xidhiidh la samaysay Mason Greenwood oo ay isku dayayaan inay la saxeexdaan. (Marca)

Man United waxa ay dhaqan-gelisay heshiis sannad ah oo ay ku kordhisay qandaraaska difaaca reer Sweden ee Victor Lindelof oo hadda sii joogi doona Old Trafford illaa June 2025. 29 jirkan ayaa waxa qandaraaskiisa hore uu ku ekaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan, haddase waxa uu noqonayaa saxeexa koowaad ee January ee ay samayso Man United. (Athletic)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*