20ka Kooxood Ee Ugu Saamaynta Badan Badaha Bulshada Oo La Shaaciyey – Immisa Milyan Ayaa Ku Taxan Kooxdaada?


Kooxaha ugu saamaynta badan leh baraha bulshada ee ay kaga taxan yihiin dadka ugu badan ayaa la shaaciyey, waxaana hormood ka noqday kooxaha Spain ee Real Madrid iyo Barcelona, halka Manchester United oo ugu sarraysa kooxaha Ingiriisku ay kaalinta saddexaad ka gashay liiska.

Isugeynta tirada dadka kaga taxan Tiktok, Facebook, Twitter (X) iyo Instagram ayaa waxa kaalinta koowaad kusoo baxday Real Madrid, waxaana lama filaan ku noqotay Ingiriiska in Manchester United oo intii u dhaxaysay 1986kii illaa 2013kii uu Sir Alex Ferguson u qaaday 13 horyaal oo Premier League ah, isl amarkaana noqotay naadiga loogu daawashada badan yahay muddadaas, sidoo kalena dharkeeda aadka loo iibsan jiray.

Laakiin bixitaankii Sir Alex Ferguson oo hawlgab ka noqday kubadda cagta ayaa waxa Manchester United ay magacowday tababareyaal badan oo awoodi waayey inay kusoo celiyaan tubta guulaha, waxaana tobankii sannadood ee uu Ferguson ka maqnaa iska beddelay Man United tababareyaasha kala ah David Moyes, Louis van Gaal, Jose Mourinho, Ralf Rangnick, Ole Gunnar Solskjaer iyo hadda oo uu Erik ten Hag caynaanka u hayo.

Daraasad lagu sameeyey kooxaha ugu taageereyaasha badan baraha bulsahda sida Facebook. X (formerly known as Twitter), Instagram, YouTube, TikTok iyo Weibo, ayaa waxa kaalinta koowaad kusoo baxday Real Madrid oo dadka kaga taxan ay sare u dhaafeen 415 milyan oo qof, halka Barcelona ay soo gashay labaad oo ay ku taxan yihiin 391.7 milyan oo qof.

Manchester United oo saddexaad ku jirta, waxa ay kaliya haysataa 224.5 milyan oo qof oo followers uga ah baraha bulshada, waxaanay sidaas ku tahay kooxda Ingiriiska ah ee taageereyaasha ugu badan ku haysata baraha bulshada.

Halkan kaga bogo tirada dadka ku taxan baraha bulshada ee koox walba

  1. Real Madrid – 415m followers
  2. Barcelona – 391.7m followers
  3. Man United – 224.5m followers
  4. PSG – 189.6m followers
  5. Man City – 156.3m followers
  6. Chelsea – 151.7m followers
  7. Juventus – 147.1m followers
  8. Liverpool – 136.9m followers
  9. Bayern – 130.7m followers
  10. Arsenal – 104.1m followers
  11. Tottenham – 95.3m followers
  12. AC Milan – 70.3m followers
  13. Inter Milan – 64.1m followers
  14. Dortmund – 57.1m followers
  15. Flamengo – 52.5m followers
  16. Atletico Madrid – 50.9m followers
  17. Al Ahly – 46.9m followers
  18. Galatasaray – 44.9m followers
  19. Al Nassr – 43.8m followers
  20. Roma – 35.1m followers

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*