Manchester United Oo Guul-darro Xanuun Kulul Kusoo Xidhatay Sannadka 2023 Iyo Nottingham Oo SADDEX Dhibcood Ka Xoogtay


Guul-darrooyinka Manchester United ayaa noqday musalsal aan la malaysan karaynin waqtiga ay dhamaanayaan, waxaana caawa mar kale jilbaha dhulka u dhigtay kooxda yar ee Nottingham Forest oo kaga soo dallacday gunta hoose ee horyaalka Premier League, kaddib markii ay 2-1 ku garaacday Man United.

Red Devils ayaa sannadkan 2023 waxa ay kusoo xidhatay guul-darro, halka kala-badh kulamadeedii xilli-ciyaareedkan socdaana ay khasaare kusoo dhamaadeen.

Manchester United oo siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada laba jeer oo kaliya badisay, ayaa waxa ay u safartay The City Ground oo ay marti ugu noqdeen Nottingham Forest oo ay waqti horeba garoonka iska soo xaadiriyeen 29,529 taageereyaal ah.

Daqiiqadihii ugu horreeyey ayay Manchester United muujisay in ciyaarteedu gaabis tahay oo ay wax si’ ka yihiin, waxaanay ogolaadeen in Nottingham Forest ay kubadda ka hayso, sidoo kalena ay weerarro badan kusoo qaaddo, laakiin waxa ay dib usoo noolaadeen toban daqiiqadood markii ay kooxda garoonkeeda joogtay ku naaloonaysay kubbad-haynta.

Qaybta hore oo ay labada kooxoodba heleen fursado badan ayaanay ka faa’iidaysanin, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa ay Nottingham heshay gol-jilicda Man United oo ah difaaca bidix iyo khadka dhexe ee booska No.6 oo aan shaqaynayn.

Daqiiqaddii 64aad ayay Nottingham Forest hoggaanka ciyaarta ku qabatay kubbad uu Montiel usoo dhiibay Dominguez oo taagnaa bannaanka laynka xerada ganaaxa, kaas oo isaguna darbad xooggan ku qabtay, isla markaana shabaqa kaga hubsaday dhinaca midig ee goolhaye Andre Onana.

Manchester United ayaa keentay goolka barbarraha daqiiqaddii 78aad, kaddib markii uu Alejandro Garnacho dhaxda ka qabsaday baas uu bixiyey goolhaye Matt Turner, isla markaana u dhiibay Marcus Rashford oo hal taabasho ku dhamaystiray.

Weerar ay Manchester United qaadday oo uu badbaadiyey goolhaye Matt Turner ayaa waxa kubadda si degdeg ah ula soo orday ciyaartoyda Nottingham Forest, waxaana meel fog oo bannaanka ah loogu dhiibay Gibbis-White oo isaguna darbad xooggan ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Onana, una weydaariyey shabaqiisa, iyadoo ciyaartuna noqotay 2-1 ay guushu ku raacday Nottingham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*