Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Barcelona Kaddib Saxeexa Mason Greenwood?


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay la saxeexato Mason Greenwood oo ay u bandhigtay lambarkii Lionel Messi ee No.10 iyo heshiis uu ku illoobayo waqtigii adkaa ee uu kusoo maray Manchester United ka hor intii aanu amaahda ku tegin Getafe.

Barcelona waxay diyaar u tahay inay ka bixiso Mason Greenwood lacag dhan £40 milyan oo Gini oo ay u bandhigayso Manchester United, waxaana haddii ay saxeexiisa ku guuleystaan uu xilli-ciyaareedka dambe la bilaaban doonaa kooxda reer Spain isaga oo xidhan garanka No.10.

22 jirkan oo ka caawiyey kooxdiisa Getafe in ay kaalinta siddeedaad kaga jirto horyaalka LaLiga, isaga oo u dhaliyey shan gool, afar kalena caawiye ka noqday, waxa ay Barcelona hadiyad uga dhigi doontaa Xavi Hernandez xilli-ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa yeelan doonta saddexlay afka hore oo dilaa ah oo ay waliba u fadhiyaan xiddigo kale oo aan ka dhigin, taas oo ka dhigi doonta mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan afka hore ee weerarka.

Greenwood ayaa la wareegi doona garabka midig ee uu saluugga badan ka jiro oo uu kala bixi doono Raphinha oo kursiga kaydka ay isku qabsan doonaan Lamine Yamal, iyadoo weerarka dhexe uu Robert Lewandowski haysan doono, isla markaana ay u fadhiyi doonaan Ferran Torres iyo saxeexa cusub ee Vitor Roque, halka garabka kalena uu ka ciyaari doono Joao Felix haddii ay Atletico Madrid kala heshiiyaan.

Waatan shaxda Barcelona ay ku ciyaari doonto marka ay dhamaystiraan heshiiska Mason Greenwood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*