Manchester City Oo Guul Ay Ka Gaadhay Sheffield United Kusoo Gashay Kaalinta Saddexaad Ee Premier League


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul raaxo leh ka gaadhay Sheffield United oo marti ugu ahayd Etihad Stadium, waxaanay ka qaateen laba gool oo nadiif ah iyo saddex dhibcood oo ka caawiyey inay culayska ku kordhiyaan Liverpool oo hoggaanka ka haysa.

Laba gool oo ay labadii qaybood kala dhaliyeen Rodri iyo Julian Alvarez ayaa Manchester City siiyey guul 2-0 ah oo ay jamaahiirtooda kula dabbaal-dageen Etihad iyaga oo ka hor intii aanay ciyaartu bilaabminna kusoo bandhigay garoonka afartii koob ee ay ku guuleysteen sannadkan ee Premier League, Champions League, FA Cup iyo FIFA Club World Cup.

Manchester City oo sidoo kale ay guushan u wehelinaysay farxad ay kusoo dhoweeyeen Kevin de Bruyne oo dib ugu soo laabtay garoomada kaddib dhaawac uu dhawr bilood u jiifay, ayaa waxa ay guushooda xaqiijisteen qaybta horeba markii ay la yimaaddeen gool, sidoo kalena ay kubadda u diideen Sheffield United.

Daqiiqaddii 14aad ayaa Manchester City ay la wareegtay hoggaanka ciyaarta iyadoo kubbad uu xerada ganaaxa bannaankeeda ka laaday uu shabaqa ku hubsaday xiddiga Spain ee Rodri.

Waxa kale oo ay Manchester City heshay fursado badan oo ay qaybta horeba dersin goolal ah ku dhalin karaysay, iyadoo Rodri uu mar kale toogtay gantaal waxyar dusha ka maray goolka, halka Phil Foden, Silva iyo Alvarez ay tijaabiyeen nasiibkooda oo ay goolka la seegeen kubbadihii ay ku toogteen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Manchester City alkeeda kasii wadday cadaadiska ay ku haysay kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League ee Sheffield United, waxaana gool u dhaliyey Julian Alvarez oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 61aad, kaddib markii uu la kulmay kubbad ay isku dhiibeen Bobb iyo Foden oo dhinaca bidix laga soo tuuray.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay soo cidhiidhsatay kaalinta 3aad oo ay afraad u ridday Arsenal, waxaana ay haysataa 40 dhibcood balse farqiga goolasha ayey kaga sarreeyaan Gunners oo Axadda ciyaari doonta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*