Hojlund Oo Laga Waayey Liiska Ciyaartoyda Manchester United Iyo Xiddiga Booskiisa Buuxiyey


Weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund ayaa noqday isbeddelka kaliya ee uu Erik ten Hag ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Aston Villa usbuucii hore ee guusha soo hooyey, waxaana uu Rasmus ka maqnaaday kulanka ay kooxdiisu martida u tahay Nottingham Forest.

Erik ten Hag ayaa weerarka dhexe kusoo bilaabay Marcus Rashford, halka garabka midig uu ka dheelayo Antony oo dib ugu soo laabtay safka kooxdiisa, kaddib markii kaydka loo diray ciyaartii Aston Villa.

Hojlund oo goolkiisii koowaad ee horyaalka Premier League dhaliyey usbuucii hore, ayaa maqnaanshihiisa lagu sheegay in uu xanuunsanayo, sidaas daraadeedna uu uga maqan yahay kulankan.

Weerarka Man United ayaa waxa ku wehelinaya Rashford iyo Antony da’yarka reer Argentina ee Alejandro Garnacho oo ahaa geesigii labada gool ka dhaliyey ciyaartii Aston Villa ee ay guusha soo laabasahda ah gaadheen.

Khadka dhexe ayay ku midaysan yihiin Kobbie Mainoo, Christian Eriksen iyo Bruno Fernandes, halka difaaca dhexena ay Raphael Varane iyo Jonny Evans iska garab dheelayaan iyadoo dhinacyada ay ka xigaan Diogo Dalot iyo Aaron Wan-Bissaka.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: Onana, Wan-Bissaka, Varane, Evans, Dalot, Mainoo, Eriksen, Fernandes, Antony, Rashford, Garnacho.

Kaydka: Bayindir, Kambwala, Reguilon, Amad, Gore, Hannibal, McTominay, Pellistri, Van de Beek.

Nottingham Forest XI: Turner, Montiel, Niakhate, Murillo, Aina, Danilo, Yates, Gibbs-White, Dominguez, Elanaga, Wood.

Kaydka: Tavares, Worrall, Mangala, Williams, Kouyate, Hudson-Odoi, Toffolo, Vlachodimos, Boly.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*