Cole Palmer Oo Jabiyey Rikoodhkii Gool-dhalinta Eden Hazard iyo Arjen Robben Ee Chelsea


Xiddiga Chelsea ee Cole Palmer ayaa jabiyey rikoodhka xiddigihii kooxdiisa ee Eden Hazard iyo Arjen Robben, kaddib markii uu laba gool ka dhaliyey ciyaartii ay 3-2 kaga adkaadeen Luton Town oo halis badan gelisay dhamaadkii.

Palmer ayaa sii wada bandhiggiisa cajiibka ah, waxaana ciyaartii Kenilworth Road ku furay gool waqti hore ahaa oo uu dard xooggan weydaariyey goolhayaha, halka waqti dambena uu keenay goolka labaad oo uu kubadda u gooyey goolhayaha.

21 jirkan ayaa dhaliyey siddeed gool xilli-ciyaareedkan socda, waxaana uu ku daray afar kale oo caawin ah, waxaana ka sokow labada gool ee uu maanta dhaliyey uu sidoo kale ahaa ciyaartoyga caawiyey goolka uu dhaliyey Noni Madueke.

Palmer ayay u ahayd ciyaartii afraad ee uu Chelsea u dheelo ee uu goolal dhaliyo, sidoo kalena uu caawin sameeyo iyadoo ay da’diisu ka yar tahay 21 jir, waxaana uu sidaas kusoo qabtay rikoodh u yaallay Eden Hazard iyo Argen Robben oo bilowgii xirfaddooda sidan oo kale ka sameeyey Stamford Bridge.

Xilli-ciyaareedkii 2004/05 ayuu Argen Robben toddoba gool u dhaliyey Chelsea, sagaal kalena caawiyey iyadoo ay u ahayd xilli-ciyaareedkiisii koowaad, halka Eden Hazard uu isaguna xilli-ciyaareedkiisii koowaad dhaliyey sagaal gool 14 kalena uu caawiyey sannadkii 2012 oo ay Blues kala soo wareegtay Lille.

Mason Mount iyo Chrisian Pulisic ayaa iyaguna xilli-ciyaareedyadii 2020/21 iyo 2019/20 waxa ay kooxdooda ku darsadeen in ka badan 10 gool oo dhalin iyo caawin iskugu jiray.

Palmer ayaa ay Chelsea £40 milyan oo Gini kaga soo iibsaday Manchester City xagaagii, waxaaa uu ku naaloonayaa bandhig hersare ah isaga oo hoggaaminaya gool-dhalinta kooxdiisa, waxaanay isku mid yihiin Cole Palmer oo isaguna siddeed gool u dhaliyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*