Chelsea Oo Guul Ay Ku Rafaadday Kasoo Gaadhay Luton Xilli Ay Blues Garab Ka Heshay VAR


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul ay ku rafaadday kasoo gaadhay Luton Town oo ay marti u ahayd waxaanay kaga soo adkaatay 3-2 iyadoo VAR u hiilisay Blues oo ay ka daysay gool barbarro ka dhigi lahaa ciyaarta.

Laba gool oo uu dhaliyey Cole Palmer iyo mid uu ku daray Noni Madueke ayaa Chelsea siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay ugu soo dallaceen kaalinta 10aad ee miiska kala-sarraynta Premier League, iyadoo Luton Town oo waqti dambe si adag u dagaallantay ay keentay laba gool oo loo diiwaangeliyey iyo mid saddexaad oo ay VAR ka diidday markii la ogaaday in offside uu jiray.

Chelsea ayaa ka faa’iidaysatay qaybtii hore oo kooxda garoonkeeda joogtay ee Luton ay u muuqanaysay inay hurudday oo aanay diyaar u ahayn inay ciyaaraan, waxaana hoggaanka u dhiibay Cole Palmer oo kubbad ay isku dhiibeen difaaca Luton darbad xooggan oo lugta bidix ah ku dhamaystiray.

Goolkan oo dhashay daqiiqaddii 12aad ayaa Chelsea siiyey inay ku raaxaysato ciyaarta oo sida ay doonto ka yeesho Luton oo u muuqanaysay in ay niyad-jabtay.

Noni Madueke ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 daqiiqaddii 37aad, kaddib markii uu garabka midig ka helay kubbad si xarrago leh ay ciyaartoyda Blues uga soo shaqeeyeen, taas oo uu laba ciyaartoy waabis kusii jeediyey, ka hor intii aanu darbad xooggan ku hubsanin shabaqa.

Chelsea ayaa ciyaarta ka dhigtay 3-0 daqiiqaddii 70aad, markaas oo uu saxeexa cusub ee Cole Palmer uu goolhaye Thomas Kaminski usii gooyey kubbad uu khadka dhexe uga soo tuuray Nicolas Jackson oo ay u hayad ciyaartiisii u dambaysay ka hor safarkiisa Afrika ee uu xulkiisa kagala qayb-gelayo tartanka qaramada Afrika ee CAF oo uu muddo bil ah ku maqnaan doono.

Intaa wixii ka dambeeyey, kubadda ayaa u wareegtay dhinaca Luton Town oo shabaqa soo taabatay daqiiqaddii 75aad, kaddib markii uu weeraryahanka reer Nigeria ee Adebayo uu dhamaystiray kubbad qurux badan.

Garsooraha dhexe ayaa fasaxay goolkan oo ansixiyey, laakiin waxa lasoo hadlay garsooraha VAR oo u sheegay in uu jiray offside waqtigii ay ciyaartoyda Luton kubadda dhisayeen.

Luton uma aanay joogsanin goolka laga diiday, laakiin waxa ay keeneen laba gool oo kale oo ay kala dhaliyeen Adebayo iyo Ross Barkley, halka ay sidoo kalena halis geliyeen fursado badan oo kale oo ay laba jeerna birta garaaceen, waxase nasiib-darro diiday goolka saddexaad.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay fadhido kaalinta 10aad oo ay ku haysato 28 dhibcood, halka Luton Town ay u dhacday khadka cas oo ay kaalinta 18aad ku jirto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*