SAADAASHII SANNADKA: Supercomputer Oo Saadaaliyey Kooxaha Ku Guuleysanaya Champions League, Premier League, LaLiga, Serie A, Bundesliga Iyo Europa League


Supercomputer ayaa sameeyey saadaashii ugu weynayd xilli-ciyaareedkan, isaga oo magacaabay kooxaha ku kala guuleysanaya horyaallada waaweyn ee Yurub ee shanta ah, sida Premier League, LaLiga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1.

Iyadoo xilli-ciyaareedka 2023/24 uu kala-badh marayo, isla markaana ay kooxuhu isku diyaarinayaan dabbaal-degga sannadka cusub, waxa uu Supercomputer u badheedhay inuu sameeyo saadaal aanay cidina ogeyn inay run noqon doonto, laakiin qiyaasta oo lagu ladhay awoodda kooxuhu ay tahay mid macquul ah.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay hoggaanka hayso Liverpool, waxa kaabiga kusoo haya Arsenal, Aston Villa iyo Manchester City oo hal kulan haddii ay Reds kufto ka faa’iidaysan karaya.

Sidoo kale, Spain waxa isku dheggen Real Madrid iyo Girona oo noqotay kooxda lama filaanka ah ee sannadkan ee horyaalka LaLiga, waxaanay yihiin isku dhibco iyadoo mid kasta oo la qabto ay kooxda kale dhaafayso.

Horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, waxa hoggaanka u haysa Bayer Leverkusen oo ah kooxda kaliya ee aan illaa hadda laga badin horyaallada waaweyn ee Yurub, waxaase kaabiga kusoo haysa Bayern Munich oo bisha February ay ku ballansan yihiin kulankooda labaad ee xilli-ciyaareedka.

Faransiiska iyo Talyaaniga, waxa hoggaanka kala haya Paris Saint-Germain oo ay kusoo xigto Nice iyo Inter Milan oo shan dhibcood ka horreysa Juventus oo labaad fadhida.

Saadaasha Supercomputer

Supercomputer oo adeegsanaya qaaciidooyin xisaabeed oo loo isticmaalo khamaarka, waxa uu horyaalka Bundesliga u saadaaliyey Bayern Munich oo uu sheegay in markii 12aad oo xidhiidh ay ku guuleysan doonto, taas oo haddii ay dhacdo noqon doonta koobkii ugu horreeyey abid ee uu Harry Kane ku guuleysto.

Premier League waxa uu Supercomputer u saadaaliyey Manchester City oo uu xusay in sannadkii afraad oo xidhiidh ah ay qaadi doonto, isla markaana ay waddada kusii dhaafi doonto kooxaha ka horreeya ee Liverpool iyo Arsenal.

Waxa horyaalka Premier League ka dhici doona oo heerka labaad u noqon doona, sida ay sheegtay saadaasha Supercomputer saddexda kooxood ee Luton Town, Burnley iyo Sheffield United.

Horyaallada Spain iyo Talyaaniga waxa ku kala guuleysan doona Real Madrid iyo Inter Milan, sidoo kalena PSG ayaa mar kale u dabbaal-degi doonta horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1.

Saadaasha Supercomputer ee Champions League, Europa League iyo Conference League

Supercomputer oo saadaashiisu ay soo baxday waxyar ka hor curashada sannadka cusub ee 2024, isla markaana lagu tilmaamay saadaashii sannadka, waxa uu sidoo kale sii kala saaray kooxaha ku tartamaya Champions League, Europa League iyo UEFA Conference League.

Champions League, ayaa waxa uu Supercomputer sheegay, in kooxda ugu fursadda fiican ay tahay Manchester City oo fursaddeedu ay tahay 30%, isla markaana ay difaacan doonto tartanka marka loo eego kooxaha kale.

Europa League, waxa uu Supercomputer siiyey Liverpool oo fursaddeedu tahay 30.13%, halka UEFA Conference League uu ku casuumay Aston Villa oo fursaddeedu tahay 33.78%.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*