Ian Wright Oo Magacaabay Xiddiga Ay Waajibka Ku Tahay Arsenal Inay La Saxeexato Bishan January


Halyeyga Arsenal ee Ian Wright ayaa usoo jeediyey tababare Mikel Arteta, in uu bisha January sameeyo saxeex ay waajib tahay in aanu dhinacna uga leexanin, kaddib markii uu goob-joog u noqday West Ham oo 2-0 ku garaacaysa Gunners oo ay waliba kusoo booqatay Emirates Stadium.

Arsenal ayaa niyad-jab weyn uu usoo hoyday usbuucii tegay, waxaana garoonkooda ku garaacday West Ham oo labadii qaybood ay laba gool oo midkood muran ku jiro u kala dhaliyeen Tomas Soucek iyo Konstantinos Mayropanos.

Waxa uga horreeyey barbarro ay lasoo gashay Liverpool oo ay ku booqatay Anfield, taas oo keentay in hadda ay Gunners kaalinta labaad kaga jiraan miiska kala-sarraynta Premier League oo ay laba dhibcood ka hooseeyaan Liverpool oo hoggaanka haysa.

Arsenal waxay dhigtay rikoodh ku cusub Premier League ciyaartii West Ham, waxaana xerada ganaaxa kooxda kasoo horjeedda ay kubadda ku taabatay 77 jeer, laakiin haddana waxay awoodi waayeen in ay wax goolal ah dhaliyaan.

Ian Wright oo ka mid ahaa xiddigihii Arsenal kula guuleystay horyaalka Premier League waqtigii Arsene Wenger, ayaa waxa uu usoo jeediyey Mikel Arteta in bisha January uu la saxeexdo weeraryahan dabiici ah oo goolal badan dhalin karaya, waxaana uu farta ugu fiiqay dhaliyaha reer Nigeria ee Victor Osimhem.

“Arsenal waxay hadda u baahan tahay qof markiiba cagaha dhulka la hela, weeraryahan dhamaystirkiisu fiican yahay, sida Osimhem oo kale ah.” Ayuu yidhi Ian Wright.

Waxa uu intaa ku daray: “Haddii Arsenal ay doonayso inay wax ku guuleysato, waa inay la saxeexdaan heeryahan heerkiisu sarreeyo oo isla markiiba la jaan-qaada.

“Baahidooda hadda waa weeraryahan. Ilama aha in taageere Arsenal ah uu qaadan karayo in uu daawado ciyaartan oo kale oo aanay wax goolal ah dhalin, waxa aanu u baahanay dilaa goolka hortiisa ah.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*