Waqti dheer ayay socotay sheekada isku xidhiidhinaysa Real Madrid iyo Kylian Mbappe, laakiin hadda ayey u muuqataa inay tahay dhamaadkii oo ay midoobi doonaan Los Blancos iyo xiddiga reer France ee sida weyn loogaga yeedhayo Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa waxa ay diyaarisay dalab ay bishan January ee foodda innagu soo haysa ka gudbin doonto Kylian Mbappe oo uu qorshuhu yahay inay heshiis hordhac ah lasii gaadho, isla markaana xagaaga si bilaash ah ugala soo wareegaan PSG oo aan awood u lahayn inay laacibkan u diiddo inuu la hadlo Madrid.
Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa helay faahfaahinta dalabka Real Madrid oo xambaarsan lacago badan oo ay Los Blancos jeebadda ugu shubayso laacibkan, iyo waliba mushaharka uu ka qaadan doono Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa waxa ay u bandhigaysaa Mbappe in uu sannadkii mushahar u qaato €26 milyan oo Gini, sidaana uu ku noqdo ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda, inkasta oo uu mushaharkani ka hooseeyo inta uu waqtigan ka qaato PSG.
Waxa kale oo ay Real Madrid u diyaarisay Mbappe inay xisaabtiisa bandhigga ugu shubto €130 milyan oo Euro oo ah lacagta saxeexa heshiiska (xaqal qalin), maadaama ay si xor ah kula soo wareegayaan.
Fayza Lamari oo ah Mbappe hooyadii, sidoo kalena ah wakiilkiisa ayaa la sheegay in ay xidhiidheen Real Madrid oo ay niyad-samaan badan qabaan Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti.
Haddii Real Madrid ay ku guuleysato saxeexa Kylian Mbappe, waxa ay Santiago Bernabeu ku midayn doontaa Vinciius Junior, Rodrygo Goes, Endrick oo xagaaga iman doona iyo Kylian Mbappe, taas oo ka dhigi doonta kooxda ugu weerarka wanaagsan Yurub.
Sidoo kale, Real Madrid ayaa waxa ay doonaysaa inay la saxeexato weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland, inkasta oo aan la ogeyn sida ay u maarayn karto xiddigahan haddii ay safkeeda kusoo kordhiso dhaliyaha reer Norway.
Be the first to comment