Waa Kuwan SHANTA Xiddig Ee Uu Sir Jim Ratcliffe Keenayo Manchester United Oo Uu Maamulkeeda La Wareegay


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa faraxsan, waxaanay baraha bulshada ka samaynayaan falcelin ay kusoo bandhigayaan sida ay ula dhacsan yihiin heshiiskii ay xalay ku dhawaaqday kooxdoodu ee ahaa in maalqabeenka reer Britain ee Sir Jim Ratcliffe uu iibsaday 25 boqolkiiba mulkiyadda kooxda, isla markaana uu isagu noqonayo maamulaha kooxda ee looga dambaynayo.

13 bilood oo ay taagnayd hadal-haynta iibka Manchester United ayaa waxa ay Axaddii kusoo dhamaatay in Sir Jim Ratcliffe uu bixiyo £1.3 bilyan oo Gini oo uu u shubayo qoyska reer Glazer, isla markaana uu yeesho 25% mukiyadda kooxda.

Heshiiska Sir Jim oo yimid markii uu Sheikh Jassim ka laabtay go’aankii uu ku doonayay inuu si buuxda ugu iibsado Manchester United, ayaa waxa uu sidoo kale dhigayaa, in maalqabeenkani uu bixiyo £300 milyan oo Gini oo uu ku maalgeliyo kooxda, isla markaana lagu soo iibiyo ciyaartooyo cusub.

Shirkadda INEOS ee uu iska leeyahay Sir Jim ayaa ay hoos tegi doontaa Manchester United dhinaca maamulka, inkasta oo wali mulkiileyaasha rasmiga ah ay yihiin qoyska reer Glazer oo 75% ay kooxdu gacantooda ku jirto.

Ratcliffe ayaa lacagta £300 milyan ee Gini ee uu kooxda ku maalgelinayo waxa uu u calaamadsaday dhawr ciyaartoy oo muhiim ah oo uu suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda uu doonayo inuu keeno kooxda, waxaana u calaamadsan shan ciyaartoy oo ah boosaska la rumaysan yahay inay ka liigayso kooxdu.

Qorshaha koowaad ee Sir Jim Ratcliffe waa in uu kooxda keeno weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimham oo qandaraaskiisa cusub ee Napoli lagu burburin karayo £100 milyan oo Gini, waxaana uu u arkaa laacibka ka saari karaya dhibaatada goolal la’aanta.

18 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay dheeshay Manchester United xilli-ciyaareedkan, waxay kaliya dhaliyeen 18 gool, waana fadeexad aan looga fadhiyin, iyadoo saxeexoodii cusbaa ee Rasmus Hojlund ee ay £72 milyan ee Gini kusoo iibsadeen xagaagii aanu wali wax gool ah ka dhalin horyaalka Premier League.

Osimhem oo 24 jir ah ayaa xilli-ciyaareedkii hore waxa uu Napoli u dhaliyey 31 gool 39 ciyaarood oo uu u saftay, waxaana uu u qaaday horyaalka Serie A oo aanay ku guuleysanin muddo 33 sannadood ah.

Waxa kaalinta labaad kaga jira qorshaha Sir Jim Ratcliffe xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Frenkie de Jong oo hore ay iskugu dayday Red Devils inay la saxeexato, laakiin uu laacibkani iska diiday.

Scott McTominay oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan Manchester United xilli-ciyaareedkan, ayaa uu Ratcliffe doonayaa in ay khadka dhexe is-garab istaagaan Frenkie de Jong, halka David de Gea uu dib usoo celinayo oo uu kaydka gelinayo Andre Onana oo ku dhibaatoonaya horyaalka Premier League.

De Gea oo ay Manchester United fasaxday xagaagii isaga oo haysta sannad dookh ah oo uu kusii joogayo Old Trafford, isla markaana beddelkiisa ay £47 milyan oo Gini kusoo iibsadeen Andre Onana, ayaan wax koox ah helin illaa hadda, waxaana United walwal ku haya goolhayaha ay adeegsan doonaan marka uu bisha dambe Onana tago tartanka qaramada Afrika oo muddo bil ah ka socon doona waddanka Ivory Coast.

Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya in bisha January uu kooxda dib ugu soo celiyo David de Gea, si uu u noqdo goolhayaha koowaad, isla markaana u tartansiiyo Onana marka uu kasoo laabto tartanka qaramada Afrika.

Garabka weerarka Bayern Munich ee Serge Gnabry iyo Goncalo inacio oo difaaca dhexe uga ciyaara Sporting Lisbon ayaa sidoo kale ku jira qorshaha Sir Jim Ratcliffe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*