Salah, Saka, Kubo, Foden Iyo Garbaha Midig Ee Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Waqtigan Oo La Shaaciyey


Waxa lasoo saaray xiddigaha ugu wanaagsan waqtigan adduunyada ee ka ciyaara garabka weerarka, iyadoo la eegayo bandhigga sannadkan sii dhamaanaya ee 2023 ay ciyaartoydu ka sameeyeen garoomada.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa mar kale hormood u noqday ciyaartoyda ugu fiican adduunyada ee ka ciyaara garabka midig ee ku dheela lugta bidix, laakiin Bukayo Saka oo Arsenal ah iyo Phil Foden oo Manchester City ah ayaa iyaguna kaabiga ku haya.

Bukayo Saka ayaa bandhig heersare ah sameeyey sannadkan sii dhamaanaya, isaga oo xilli-ciyaareedkii hore kooxdiisa ka caawiyey inay ku dhamaysato kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, haddana ay hoggaaminayaan xilli-ciyaareedkan badhtamaha maraya.

Shabakadda qiimaynta xogta iyo qiimaha ciyaartoyda ee CIES Football Observatory ayaa liiska xiddigaha ugu fiicnaa ee garabka midig ay kusoo dartay Takefuso Kubo oo u ciyaara Real Sociedad, laakiin si weyn loola xidhiidhinayo Manchester United, iyadoo laacibkan ay xuquuqdiisa kala-badh leedahay Real Madrid.

CIES Football Observatory waxa ay kaalinta koowaad gelisay Bukayo Saka oo ka horreeya Mohamed Salah, iyadoo garabka England ay haysto 84.9 dhibcood, halka Mohamed Salah uu haysto 83.6 dhibcood iyo Phil Foden oo haysta 79.1 dhibcood, waana saddexda ciyaartoy ee liiska hoggaaminaya.

Waa kuwan tobanka garabka midig ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan

1. Bukayo Saka (Arsenal, 84.9),

2. Mohamed Salah (Liverpool, 83.6)

3. Phil Foden (Manchester City, 79.1).

4. Riyad Mahrez (City iyo Al Ahly)

5. Xavi Simons (Leipzig).

6. Jarrod Bowen (West Ham),

7. Jhon Arias (Fluminense)

8. Leroy Sané (Bayern).

9.  Kubo (Real Sociedad)

10. Nico González (FC Porto)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*