Supercomputer Oo Saadaaliyey Natiijooyinka Kulamada Boxing Day Ee Premier League – Yaa Murugoon Doona?


Supercomputer ayaa saadaaliyey natiijooyinka kulamada horyaalka Premier League ee Boxing Day ama maalmaha ciidda masiixiga, kuwaas oo la dheelayo maalmaha Salaasada, Arbacada iyo Khamiista.

Newcastle United ayaa waxa ay garoonka St. James’ Park kusoo dhoweyn doontaa Nottingham Forest, iyadoo rajaynaysa inay kasoo kabato guul-darradii soo gaadhay horraantii usbuucan, halka Liverpool ay marti u noqon doonto Burnley kaddib laba ciyaarood oo Reds aanay guuleysanin.

Manchester United iyo Aston Villa waxay albaabada iskugu xidhan doonaan Old Trafford oo loogu goleyn doono kulan si weyn loo sugayo oo natiijadiisu keeni doonto saamayn weyn, sababtoo ah Man United oo afartii ciyaarood ee u dambeeyey aan guuleysanin, waxa haddii mar kale la qabto ay geli doontaa qalalaase, halka Aston Villa haddii laga badiyo ay ka hadhi doonto tartanka figta sare oo ay hadda hal dhibic oo kaliya ka hoosayso Arsenal, waxaanay isku mid yihiin Liverpool oo farqiga goolasha kaga horreysa.

Waxa kale oo horyaalka Premier League dib ugu soo laaban doonta Manchester City oo kusoo guuleysatay tartanka FIFA Club World Cup isla markaana aan ciyaarin kulankeedii Premier League ee horraantii usbuuca.

City ayaa waxa ay u tegi doontaa Everton, halka Arsenal ay indhuhu hayn doonaan marka ay garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyso West Ham United oo ay isku magaalo yihiin.

Supercomputer oo saadaashiisa ku koobay kulamada Salaasada ee Boxing Day oo ah shan kulan, ayaa waxa uu ka nixiyey Manchester United oo uu sheegay in ciyaartii shanaad oo xidhiidh ah ee dhamaan tartamada ay guul la’aan ahaan doonto marka ay Aston Villa ku qaabbisho Old Trafford.

Kuladamada Boxing Day ee Premier League ee uu saadaaliyey Supercomputer

Salaasa 26 December (Boxing Day)

3.30pm – Newcastle 2-1 Nottingham Forest

6pm – Bournemouth 0-3 Fulham

6pm – Sheffield United 0-1 Luton

8.30pm – Burnley 0-4 Liverpool

11pm – Man Utd 2-2 Aston Villa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*