Bukayo Saka Oo Qiimeeyey Fursadda Arsenal Ee Ku Guuleysiga Premier League


Garabka weerarka Arsenal ee Bukayo Saka ayaa qiimayn ku sameeyey fursadda ay kooxdiisu ugu guuleysan karayso horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib barbarrihii 1-1 ahaa ee ay Sabtidii lasoo galeen Liverpool oo ay ku booqdeen Anfield.

Bukayo Saka ayaa hoos u dhigay hadal-haynta waqtiga hore ah ee sheegaysa, in Arsenal ay tahay kooxda ugu cadcad ee ku guuleysanaysa horyaalka, waxaase uu ammaan u jeediyey khadka dhexe ee reer England ee Declan Rice oo bandhig heersare ah sameeyey ciyaartii Liverpool.

Dhibicda ay Arsenal kasoo heshay Liverpool waxay ka caawisay inay ku negaadaan hoggaanka horyaalka Premier League, balse Bukayo Saka waxa uu ku dooday in ay waqti hore tahay in Arsenal lagu tilmaamo inay tahay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka xilli-ciyaareedkan.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey in Arsenal ku guuleysan karayso horyaalka, waxa uu Bukayo Saka ku jawaabay: “Ilama aha in ay habboon tahay in waqtigan laga hadlo kooxda ku guuleysanaysa horyaalka, sababtoo ah waa waqti hore.

“Waanu qaadanaynaa arrinta ah in aanu ugu sarrayno horyaalka Ciidda Masiixiga, waana arrin wanaagsan laakiin waa waqti hore in laga hadlo ku guuleysiga horyaalka.”

Bukayo Saka waxa uu ammaan u jeediyey Declan Rice oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii Liverpool, isla markaana dhamaadkii ay afar ciyaartoy oo Liverpool ah kula baxeen kubbad uu kalidii dhax joogay taas oo daqiiqaddii 90aad birta kaga dhacday Trent Alexander-Arnold.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*