Waa Kuma Ciyaartoyga Ugu Akhlaaqda Xun Real Madrid?


Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Nacho Fernandez ayaa barbarreeyey rikoodhkii akhlaaq-xumada ee uu haystay Sergio Ramos, kaddib markii uu laacibkani casaan toos ah qaatay ciyaartii Deportivo Alaves ee Khamiistii.

Real Madrid ayay ku habsatay difaacyahanno la’aan, waxaana inta ka hadhay xilli-ciyaareedka u jiifaya dhaawacyo labada rukun ee David Alaba iyo Eder Militao, halka Ferland Mendy iyo Dani Carvajal ay iyaguna maqnaanayaa in muddo ah.

Carlo Ancelotti ayaa la filayaa in uu kooxda keeno difaac dhexe oo cusub maadaama ay booskaas ka dhibaatoonayaan, illaa haddana go’aan kama aanay gaadhin dookhooda iyo waxyaabaha ay ku dooranayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Real Madrid ay doonayso ciyaartoy waqti kooban ah oo ay amaah kusoo qaataan, maadaama ay ruug-caddaayadeeda Eder Militao iyo David Alaba dib usoo laaban doonaan xilli-ciyaareedka dambe, hase yeeshee warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in ay qasab tahay in kooxdu ay difaac mustaqbalka fog ah soo qaataan, maadaama aanay kalsooni badan ku qabin Nacho oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Nacho ayaa waxa ciyaartii Alaves ee December 21, waxa uu qaata casaan toos ah, waana markii labaad ee xilli-ciyaareedkan gudihiisa uu casaan toos ah kaga baxo garoonka.

Kulankii Girona ayaa uu qalad badheedh ah sameeyey, iyadoo ciyaartu sii dhamaanaysa oo ay kooxdiisu saddex gool leedahay, waxaana lagu riday ganaax laba ciyaar ah, hase yeeshee casaanka albaad ayaa waxa uu keenayaa in saddexda ciyaarood ee soo socda ee horyaalka laga ganaaxo.

Labadan kaadh ee casaanka tooska ah ee uu Nacho qaatay ayaa waxa ugu dambaysay in ciyaartoy Real Madrid ah uu qaato xilli-ciyaareedkii 2017/18 oo uu Sergio Ramos sidan oo kale laba casaan u qaatay, laakiin Nacho ayaa kaga duwan in xilli-ciyaareedka oo kala badh maraya uu casaannadan qaatay, sidoo kalena uu kulamo aad u yar ciyaaray, marka loo eego kuwii uu dheelay Sergio Ramos.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*