Wargeysyada Ingariiska & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga


Arsenal ayaa u weecan doonta 27 jirka khadka dhexe ee Manchester City ee Kalvin Phillips bisha Janaayo iyadoo Gunners ay dooneyso inay ku xoojiso khadkeeda dhexe. (Fichajes)

Gunners ayaa sidoo kale sii wadata xiisaha ay u qabto weeraryahanka kooxda Wolves ee Portugal Pedro Neto, oo 23 jir ah, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo Janaayo. (Mirror)

Chelsea ayaa lacag kale qorsheyn doonta bisha Janaayo iyadoo kooxdu ay bartilmaameedsanayso 24 jirka weerarka uga ciyaara Napoli ee Victor Osimhen iyo weeraryahanka Ingiriiska ee Brentford Ivan Toney, 27. (Guardian)

Chelsea sidoo kale waxa ay amaah 500 milyan ginni ah ka raadinaysaa bankiyada Mareykanka si ay u maalgaliyaan saxiixyada cusub ka dib markii ay qarashgareeyeen hal bilyan ginni seddexdii suuqa kala iibsiga ee ugu dambeysay. (The Sun)

Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ayaa isha ku haya 22 jirka weerarka uga ciyaara Mexico iyo Feyenoord ee Santiago Gimenez. (Fichajes)

16 jirka garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lamine Yamal ayaa qarka u saaran inuu saxiixo heshiis cusub oo seddex sano ah kooxda Barcelona, kaasoo ka kooban 1 bilyan euros oo lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Fabrizio Romano)

Newcastle waxa ay isha ku haysaa daafaca Denmark ee Crystal Palace Joachim Andersen iyaga oo isha ku haya in ay u dhaqaaqaan 27 jirka bisha January. (Insider Football)

Barcelona waxa ay u furantahay in ay iska iibiso weeraryahanka reer Spain Ansu Fati xagaaga soo socda ka dib markii uu 20 jirkan dhamaystay amaahda uu ku joogo Brighton. (Sport)

Lionel Messi ayaa ku booriyay Inter Miami inay la soo wareegto 38 jirka reer Croatia ee khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid Luka Modric. (Cadena Ser)

Barcelona ayaa wadahadalo la furtay kooxda Corinthians ee 18 jirka khadka dhexe ee Brazil Gabriel Moscardo iyaga oo doonaya in ay ku garaacaan Chelsea saxiixiisa. (Sport)

Tottenham ayaa isku dayi doonta inay la soo wareegto 24 jirka kooxda Bayer Leverkusen ee Burkina Faso ee Edmond Tapsoba bisha Janaayo. (Fichajes)

Juventus ayaa rajaynaysa in ay ku xidho xiddiga khadka dhexe ee France Adrien Rabiot oo 28 jir ah heshiis cusub oo saddex sano ah kadib markii uu diiday in uu u dhaqaaqo Manchester United xagaagii si uu u saxiixo hal sano oo dheeri ah. (Tuttosport)

Khadka dhexe ee da’yarta England ee aadka loo qiimeeyo Dan Rigge, oo 17 jirka ah, ayaa qarka u saaran inuu u saxiixo heshiis cusub oo waqti dheer ah West Ham, inkastoo ay xiiseynayaan afar kooxood oo Premier League ah iyo laba kooxood oo La Liga ah. (Fabrizio Romano)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*