Victor Osimhen Oo Ugu Danbeyn Ka Hadlay Muuqaaladii Ay Napoli Ku Aflagaadeysay


Weeraryahanka Napoli Victor Osimhen ayaa ugu dambeyntii ka baxay aamusnaantiisa muuqaallada muranka dhaliyay ee la soo dhigay koontada rasmiga ah ee kooxda ee TikTok kuwaasoo isaga lagu weeraray.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa si aad ah uga xanaaqay muuqaalada Tiktok ee ay kooxdu ku maadsaneysay, kuwaasoo la tirtiray markii danbe iyada oo wakiilkiisu uu xitaa ku hanjabay inuu qaadayo tallaabo sharci ah.

Mid ka mid ah muuqaallada la soo dhigay baraha bulshada ayaa ku jeesjeesay Osimhen oo rigoore qasaariyay bishii hore halka muuqaal kalena lagu tilmaamay inuu u eg yahay qumbaha taasoo loo arkay inay tahay cunsurinimo.

Napoli ayaa ugu dambayntii soo saartay bayaan khamiistii kaas oo ay ku tilmaantay weeraryahanka inuu yahay hantidooda ugu qiimaha badan laakiin waxay ka gaabsadeen inay bixiyaan raali-gelin rasmi ah.

Osimhen ayaa la rumeysan yahay inuu ka careysan yahay qaabka ay Napoli u maareysay arrintan, balse, mar uu ka hadlayay fadeexada markii ugu horeysay Axadii, waxa uu eeda ka fogeeyay taageerayaasha isagoo uga mahadceliyay taageeradooda.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku qoray: ‘Imaatinkeygii magaalada Napoli ee sanadkii 2020 waxa ay ii ahayd go’aan cajiib ah.

“Dadka Napoli waxay ii muujiyeen kalgacal iyo naxariis badan, mana oggolaan doono in qofna uu na soo dhex galo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*