Alexis Mac Allister Oo Lagu Daray Liiska Xiddigaha Laga Ganaaxayo Liverpool Kaddib Kulankii Tottenham – Muxuu Sameeyey?


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaaladda lagu sii adkaynayaa, waxaana laga ganaaxayaa Alexis Mac Allister oo raacaya liiska labadii ciyaartoy ee casaanka ka qaatay Reds kulankii Tottenham ee ay garsoorka ka cabanayeen.

Xiddiga reer Argentina oo kaadh digniin ah qaatay qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa la sheegay in uu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA uu ka fiirsanayo in uu ganaax ku rido.

Liverpool oo ciyaartaas ay kaadh casaan ah ka qaateen Curtis Jones iyo Diogo Jota, isla markaana uu kaga dhaawacmay Cody Gakpo, ayaa waxa la sheegay in Alexis Mac Allister uu isaguna geli doono liiska ganaaxyada.

Alexis Mac Allister ayaa lagu haystaa in uu aflagaaddeeyey garsoorihii ciyaartaas ee Hooper, isaga oo qoraal uu ugu jawaabayey Cristian Romero ku yidhi: “Waa caadi in aad dabbaal-degto marka aad haysato 12 ciyaartoy.”

Xidhiidhka kubadda cagta ee FA wali kama aanu hadal arrintan, hase yeeshee warbaahinta waddanka Ingiriiska yaaa waxay sheegaysaa in maalmaha soo socda uu xidhiidhku war soo saari doono, halkaas oo ay ku caddaan doonto haddii laacibkan la ganaaxayo iyo in kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*