Smith Rowe Oo Oohin Jabsaday Ka Dib Guushii Ay Arsenal Ka Gaartay Bournemouth


Emile Smith Rowe ayaa oohin jabsaday islamarkaana waxaa aamusiyay saaxiibkiis Oleksandr Zinchenko ka dib guushii Gunners ay ka gaartay Bournemouth.

Laakiin inkastoo Arsenal ay natiijo wanaagsan heshay, Smith Rowe ayaa si cad u xanaaqay markii uu ka baxayay garoonka.

Xiddiga ka soo baxay akadeemiga Arsenal ayaa lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeysay ee muddo 499 maalmood ah kulankii Brentford ee Carabao Cup.

Kulankii Bournemouth, 23 jirkaan ayaa bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta isagoo qasaariyay fursad uu ku dhalin lahaa goolka shanaad waqtigii dhimashada ciyaarta.

Ciyaarta ka dib, Smith Rowe ayaa la arkayay isagoo niyadjab la ooyaya madaama uu qasaariyay fursadaas, waxaana niyada u dhisay Oleksandr Zinchenko iyo caawiyaha Arsenal Albert Stuivenberg.

Isagoo hadlayay todobaadkan, Smith Rowe ayaa sheegay inuu u baahan yahay inuu maankiisa bedelo si uu mar kale boos uga helo shaxda Mikel Arteta.

“Haddii aad joogto koox weyn sida Arsenal, waa inaad ogaataa inuu tartan badan jiro.” ayuu yiri Smith Rowe.

“Mar walba waa tartan adag, mar walba way adag tahay inaad booskaaga kooxda xajisato. Waa inaad nafteyda aaminto.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*